Maalmahanews.com
CAJIIB: Nin Xubintiisa Taranka Gabi ahaanba Mindi Iskaga Jaray oo Xaaskii Raali Galin u Fidiyey
February 22, 2016 - Written by admin

Nairobi(Maalmaha News):- 24 Jir u dhashay wadanka Kenya ee oo Maalintii jacaylka aduunka iska jaray  xubintiisa Taranka ka dib markii uu ka shakiyey iney xaaskiisu xidhiidh jinsi la yeelatay walaalkii ayaa raali galin ka bixiyey ficilkii uu naftiisa kula kacay.

Duncan Moseti ayaa sheegay inuu falkan sameeyey ka dib markii ay xaaskiisu diiday inuu la seexdo.

Mr. Moseti oo Hospital Nairobi ku yaala dhakhaatiiri kula tacaalayso sidii ay ugu samayn lahaayeen qaliin dib iskugu kabid ah ayaa warbaahinta kula hadlay sariirtiisa dusheeda.

War laga soo xigtay Jariirada Standard, ayaa lagu sheegay in markii hore Mr. Moseti uu isku dayay inuu xaaskiisa naasaha ka jaro hasayeeshee arrintaasi markii ay u suurtagali wayday ayuu isagu si ba’an iskaga jaray xubintiisa Taranka.

 

1

 

 

Dhakhaatiirta daawayneysa ayaa sheegay iney adag tahay in dib la iskugu kabaa.

‘’Wuxuu gabi ahaanba gunta ka jaray xubintiisii Raganimo’’ ayuu yidhi mid ka mid ah dhakhaatiirtu oo war-fidiyeenada la hadlayay.

Moseti ayaa sheegay inuu qoomamaynayo falkaa uu sameeyey isla markaana raali galin siinayo xaaskiisa.

 

 

 

2

 

 

‘’Waxa aan naftay ku sameeyey maaha wax caadi ah, hasayeeshee waa wax I cadho galinaya’’ ayaa yidhi mr Moseti

Xaaskiisa 20-jirka Mrs. Margaret Achieng, oo u warantay Tv-ga la yidhaa Citizen ayaa sheegtay iney iska cafisay.

‘’Kaga tagi maayo inuu xubintiisii raganimo waayay darteed maxaa yeelay isaguba wuu I saamaxay, waan la joogayaa isagoo sidaa u hinaasiya’’ ayay hadalkeda ku soo gabagabaysay.

 

3 lk

 

 

 

 

Maalmaha News/Nairobi Kenya

Xigasho News24

 

 

 

 

 

 

COMMENTS
Latest News