Maalmahanews.com
Safiirka Faransiiska Kenya U Fadhiya Oo Booqday Wershadda Sharaabka SBI Coca Cola Oo Amaanay Heerka Wax Soo Saarka Iyo Tayadda SBI.Sawiro.
February 21, 2016 - Written by admin

Hargeysa(Maalmaha news):-Wefti caalami ah oo uu Hogaaminayo safiirka Dalka Faransiiska u fadhiya dalka Kenya Amabassador Franc ayaa booqday wershada Waraabka ee SBI.Safiirka oo booqasho rasmi ah ku jooga somaliland ayaa booqday wershada oo ku taalla duleedka magalada Hargeysa deegaanka jaleelo.safiirka ayaa ujeedada uu u tagay ahayd sidii uu u soo indho indhayn lahaa wershada SBI oo ah shirkadd maalgashi ballaadhan oo caalami ah hirgalisay oo ah wax soo saarka dhinaca sharaabka gaar ahaan Coca Colaha.





waxa sidoo kale safiirka ku wehlinayay safiirka somaliland faransiiska u jooga Ambasador Cali ismacil hassan,waxaana xarunta wershadda SBI ku soo dhaweeyay Maamulaha Guud ee Shirkadda GSK Group of Companies oo ay hoos tagto SBI Mudane Axmed Cismaan Geelle,waxaana uu warbixin ka siiyay weftiga heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay SBI iyo heerka ay maanta marayso,kuna soo wareejiyay qaybaha kala duwan ee wershadda ee wax soo saarka.

Ugu Dambayntii Abasador Franc ayaa gabo gabadii markii uu kulankiisaasi soo afmeeraysheegay in uu aad ula dhacay wershada SBI oo uu ku tilmaamay in ay tahay wershadd wax soo saar oo la jaanqaysa standard-ka ama heerka warshadaha aduunka ee casriga,waxaana uu ku amanay Ganacsadaha hirgaliyaya Mudane Axmed Cismaan Geelle ee ku dhiiraday in wershadan oo malayiin Dollar ku kacday u huray in uu somaliland ka sameeyo.

Maalmaha new/Hargeisa office
info@maalmahanews.com

COMMENTS
Latest News