Maalmahanews.com
Faallo: Sirta ku Lifaaqan Muuqaalka Guddida Ictiraaf Raadinta + Caqabadaha Horyaala Iyo Istaraatijiyada Laga Sugayo – Saleban Kalshaale.
February 21, 2016 - Written by admin

Magacaabista Guddida Isku-dhafka Ah Ee Ictiraaf Raadinta Oo Habka Loo Qaybiyey Muujiyey In La Gaadhay Xilligii Caalamku Garowsan Lahaa Garnaqsiga Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa magacaabay guddida Ictiraaf raadinta oo ay tahay markii ugu horaysay ee la magacaabo.

Guddidan oo ka kooban xubno ka kala socda Golaha Xukuumadda, Xisbiyada Qaranka, Ururrada Bulshada, Jaamacaddaha iyo hay’addo kale oo maxaliya, ayaa waxa gudddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyadoo xubno ay ka yihiin Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, xubin kamida Xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale iyo xildhibaan Axmed Kijaandhe oo ah mudane ka tirsan Golaha Wakiillada.

Madaxa Kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Hargeysa Prof. Maxamuud Xuseen Faarax iyo Wasiirkii hore ee Maaliyada ee Xukuumaddii Rayaale, haatana ah La-taliyaha Madaxweynaha arrimaha aqoonsi raadinta Ambasador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa kamid ah Guddidan Madaxweynuhu magacaabay.

Guddidan oo magacaabistooda lagu shaaciyey warsaxaafaddeed lagu beyaamiyey “Digreeto Madaxweyne” oo Qasriga Madaxtooyada ka soo baxday Sabtidii Maanta, kuna saxeexnaa Afhayeenka MadaxtooyadaCabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax), ayaa waxa Madaxweynuhu ka dalbaday inay ka shaqeeyaan sidii looga midho-dhalin lahaa Barmaamujka Xukuumaddu ku doonayso inay ku dardar geliso Siyaasada Arrimaha Dibada.

“Sida aad la socotaan, waxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Jamhuuriyadda Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.

Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland waxaan mas’uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guddida waxa waajibaadkeeda shaqo bartilmaameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, iyo ka talo-bixinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya (Road Map).

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa inaad xil weyn oo mug iyo miisaan leh aad iska saari doontaan mas’uuliyaddan qaran ee aan idiin magacaabay, aniga oo ku kalsoon aqoontiinna, kartidiinna iyo hal-abuurka Eebe hibada idiin siiyey..

Waxaan farayaa dhammaan Wakiillada Somaliland u fadhiya dallalka dibedda iyo cid kasta oo ay khusayso arrintani inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.” Ayuu madaxweynuhu kula dardaarmay Guddidan oo magacaabistooda lagu lamaaneeyey guddi kale oo loo xilsaaray qaban-qaabada xuska 18 May, oo uu Madaxweynuhu u magacaabay xubno isugu jira Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo laamaha dawladda ah.

Siyaasadda Arrimaha Dibada Somaliland

Somaliland, waa wadan ku yaala qaarad loollan badan oo dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha khuseeyaa saameyn ku yeeshay degenaanshiyaha nabad-gelyo. Caqabadda ugu daran ee xagga amnigu waxay ka taagantahay wadanka Soomaaliya oo ay Somaliland xoriyaddeedii kala soo noqotay markii ay bur-burtay Dawladdii Milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre, 1991-kii.

25-sannadood oo ay Somaliland ahayd nidaam isu aqoonsaday dal madaxbanaan oo aan ka tirsanayn Soomaaliya, kana kooban dhulkii uu maamulayey Isticmaarkii Ingiriisku, caqabadaha hortaagan Caalami ahaan waxa kamid ah arrinta Ictiraafka caalamka, taasoo ay wadamada gobolka iyo saaxiibaddeeda kale ee caalamku uga hamradeen asbaabo ay ugu riixayaan qadiyaddeed dhinaca Soomaaliya.

Inkasta oo daneyaasha Caalamku arrimaha Somaliland muddo dheer ku riixayeen soomaalida dhexdeeda, waddamada gobolkuna iyagoo dhinacyo kale wax ka eegaya wali ku dhici la’yihiin aqoonsiga wadankan, haddana waa dal kaalin muhiim ah kaga jira nabad-gelyada Mandaqada iyo horumarka xagga dhaqaalaha.

Waxa jira Maal-gashadeyaal badan oo sahamiya dhaqaalaha wadanka, kuwo barmaamujyo ganacsi ka yagleelshay iyo qaar indhaha ku haya ilaha ugu muhiimsan ee khayraadka dalkan. Waxa kale oo jira dalal adduunka kamida oo siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ula macaamila sidii dal madaxbanaan.Kuwa ka caawiya nabad-gelyada, maamul wanaaga iyo dhismaha dawladnimo, waxay rejo wanaagsan ka qabaan isku-filnaanshiyo inay gaadho. Kuwa kale oo xidhiidh siyaasaddeed la leh Somaliland, ayaa iyaguna aaminsan inay hal-bowle u tahay degenaanshiyaha Gobolka bad iyo bariba iyo la-dagaalanka Kooxaha shar-wadeyaasha ah, sida Argagixisada iyo Budh-cad baddeeda.

Horumarka ay ka sameysay dhinaca Dimuquraadiyada, Doorashooyinka asxaabta badani ku tartanto iyo xalinta khilaafaadka Siyaasaddeed iyo shuruucda, ayay ku noqotay WASLAD, ku dhextaalla gobol ay la dageen Maamulo keli-taliyeyaal ah oo aan u bislaan nidaamka dimuquraadiyada iyo Dawlad-wanaaga.

Sidaasoo ay tahay, sida ay qabaan khubarada Siyaasaddu, hoos u dhac laxaadle ayaa ku yimi Siyaasada khaarajiga ee Somaliland shantii sannadood ee u dambeeyey, waxaanay lumisay kalsoonida saaxiibo badan oo ay ku lahayd wadamada AFRIKA, EUROPE, AMERIKA iyo Mandaqado kale.

“markii ay wada-hadalada la furtay Somaaliya waxa lumay kalsoonidii wadamada daneeya Somaliland ka qabeen gooni-isutaaga, waxa madmadow galay ujeedadii iyo mabaad’idii adduunku ka aaminsanaa, waxaana hoos u dhaca Kalsoonida caalamka sababay waxyaabihii lagu saleeyey wadahadalada oo aan ka turjumayn qadiyadda Somaliland”sidaas waxa Gobanimonews u sheegay Naasir Axmed Qaalib oo khabiir falan-qeeya Siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga ah, isla markaana xubin ka ah Asxaabta Dalka Ingiriiska.

“wadamo badan oo saaxiib dhow la lahaa Somaliland, qaar afrika ku yaalla iyo qaar qaaradaha kale ka tirsan, oo ay xukuumaddii Daahir Rayaale xidhiidh dhow la lahayd, ayaan iminka Somaliland muhiimad siinin oo sawir kale ka qaatay”. –“ sidaas awgeed xukuumaddii rayaale ayaa dhinacaa kaga wanaagsanayd Siilaanyo” sidaas ayey qabaan dadka siyaasada u dhuunta daloolaa, laakiinse Madaxweyne Siilaanyo waxa uu wacad ku maray “boqol sannadood hadday igu qaadanayso aqoonsiga Somaliland waanu raadinaynaa” ayuu yidhi sanadkii 2012 mar uu ka hadlayay Fagaaraha Khayriyada dabaal-dega 18 May.

Falanqeynta Magacaabista Guddida aqoonsi raadinta

Guddidan oo shaqada ugu muhiimsan ee loo xilsaaray ay tahay sida ka muuqata inay ka soo talo-bixiyaan tubta ugu muhiimsan ee loo raaci karo wadahadalada Soomaaliyo, iyadoo lagu salaynayo qorshe siyaasaddeed la dejiyo, kaasoo gundhigiisu uu yahay istaraatiijiyad loo qaabeeyey Ictiraaf raadinta, ayaa talaabooyinka ugu weyn ee laga filayo waxa kamida diyaarinta istaraatijiyad ay ku socoto Siyaasadda Arrimaha dibada Somaliland.

Waxa kale oo guddidan horyaalla inay shaandheeyaan ahdaafta ku aaddan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee xagga qadiyada madaxbanaanida iyo waafajinta arrimaha waaqiciga ah ee dalka ka jira oo aanay hore isula-jaanqaadsanayn qodobadii hore loogaga wada hadlay kulamadii dhacay intii wada-xaajoodku socday.

Guddidan isku dhafka ah ee ka kooban Goleyaasha Dawladda, Mucaaridka iyo Muxaafidka iyo Ururrada Bulshadu, waa golle sida ay u shaqeeyaan ku xidhantahay isfaham dhexdooda ah iyo hadba sida ay isugu taxalujiyaan, una rog-rogaan arrinta loo xilsaaray. Waa guddi aan isku afkaar siyaasaddeed ahayn marka laga hadlayo gudaha, hase ahaatee magacaabista Madaxweynaha waxay ku yihiin unug loo xilsaaray ka talinta madaxbanaanida Mustaqbalka ee dalka, iyadoo qaab-dhismeedka guddidan laga dheehan karo dhowr arrimood oo ay kamid tahay inay noqon karaan cidda Somaliland u metelaysa wadahalada istaagay ee soomaaliya.

Hase ahaatee, Waxa horyaalla caqabado fara-badan oo ay kamid yihiin wada-shaqeynta dhexdooda, faro-gelino daneed oo caalamiya iyo guur-guurka Siyaasada Soomaaliya oo dhinac ah.

Xigasho: Gobanimo

Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa.

COMMENTS
Latest News