Maalmahanews.com
Dhamaadka Odaytooyada: Haweenka, Haweenaysiga iyo Haweentooyada
February 21, 2016 - Written by admin

By Khaled Mohamoud [Ibn Khaldun]

“ Waxaan u socdaa inaan bidhaamiyo, inaan haweenaysigu ahayn sida loo dhigayo dhaqdhaqaaq ilbax ah ee uu yahay dhaqdhaqaaq danaysi oo danaha iyo xuquuqda in gaar ah –haweenka– uun aqoonsan ama u orda, aan rabin sinaan, ee raba in uu galo kaalinta Odaytooyada si uu u noqdo Haweentooyo. Waa dood culus, laakin waan difaacayaa. Waxa cadayn u ah, haweenaystayaashu waxay aad ugu doodaan sinaanta siyaasadeed. Marka ay noqoto hoggaanka, ma dhahaan meel kaste oo hoggaan jiro laba qof oo siman –lab iyo dhedig– ha hogaamiyeen, balse waxay ku qancaan in booska ragga lagu badalo haween. Halkii uu gali lahaa ninka ugu awooda ama kartida badan ee bulshada Odaytooyada, waa in fursad loo siiyo in ay haweenay gasho si loo helo Haweentooyo. Ma boosas baa lakala qaaday –la isu badalay– mise waa la wadaagay, sinaaday? Waaba intaa, meeday sinaantu? “ ~ Hodhac, akhri ilaa dhamaadka. Ilaa xiliyadii bulshooyinkii ugu horeeyay ee dadku samaysmeen, waxa asaas u ahaa abaabulka bulsho qoyska. Qoysku waa unuga ugu asalsan uguna muhiimsan bulshada.

Maadaama oo lab iyo dhadig isu tagay ay noqonayaan warshadda dadka soo saaraysa, qoysku wuxuu waligii ahaa xubinta ay ka bilawdaan xidhiidhada kale ee bulsho sida; qaraabonimada, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Bulshoyinkii ugaadhsato-qadhaabsatada ahaa waxa ay u abaabulnaayeen qaab ururo yar yar ah oo ay isku hayso qaraabonimo.

Kuwayowgii ka dambeeyay sida kuwii xoolo-beeralayda ahaana waxa intaa u raacay deegaan wadaag iyo is xulafaysi. Dhamaan bulshooyinkaa waxaa gacanta sare iyo hogaankaba lahaa ragga sida ay u kala da’waynyihiin baanay usii kala sareeyeen, inta badan. Waxay ahaayeen, bulsho ku dhisan nidaam Odaytooyo ah. Bulshada ku dhisan Odaytooyadu, waxay ku sumadaysnayd Awood. Micnaha, kaalmaha bulshada ee kala duwan waxaa lagu kasban jiray heerka awoodeed ee qofku leeyahay. Ha noqoto xoog, karti, farsamo aqooneed, mansab, xubinimo urur awood leh, ama hanti. Ruuxi aan intaa midna heli karin, kaalin ugama bananayn bulshadaas, waxaanay u badnayd in uu dhinto.

Kaalinta ay dumarku ku lahaayeen bulshadaasi waxay ku koobnayd; guurka, dhalmada, shaqada guriga, barbaarinta ubadka, wax soosaarka maxaliga iyo –marmarka qaar– siyaasadda dadban. Intaa marka laga yimaad, haweenaydu waxay si buuxda (bulshooyinka qaar haba ku kala duwanaadaane) ugu hoos jireen taliska ragga. Waxaan ka wadaa, haweenka sidii alaab oo kale ayaa raggu u haystay, manay heli jirin wax xuquuq ah oo loo aqoonsan yahay, wanaaga ay helaanna wuxuu ku xidhiidhsanaa dheefta raggu ku qabo.

Rag, maarkaan leeyahay waxaa hoos imanaya; kan dhalay ama kan ay u dhaxday. Markalena kan la dhashay ama ka ay dhashay. Laakin, noocyadaa ragga ah ee aan sheegay isku si ulamay dhaqmi jirin haweenka (ugu yaraan bulshooyinka ilbaxa ah). Labada jaad ee hore, waxay ahaayeen kuwa ugu awooda badan haweenka korkooda. Laakin labada jaad ee dambe, way uga dhawaayeen haweenka kuwaa hore. Mararka qaar, labada jaad ee dambe, waxaabay ahaayeen il ay haweenku ka helaan awood siyaasadeed oo ay ragga kale isaga caabiyaan ama rabitaano kale ku meel marsadaan. Ogow, Arraweelo xoog iyo xiniin kumay iman ee rag baa heerkaa gaadhsiiyay. Laakin, taa micneheedu ma aha in iyadu ama haweenka kale ee la mid ka ah –ahaa– aanay haba yaraatee karti ay halkaa ku gaadhaan aanay lahayn, wuxuun ay ka dhigantahay in rag aanay uga maarmin helitaanka awooda si lamida sida raggu aanay uga maarmin dumarka helitaanka awooda siyaasadeed. Mise way uga maarmi karaan?

Waayadan dambe, in badan waxa laga yaabaa in aad maqasho ereyada ay ka midka yihiin; “Women’s rights, feminism, patriarchy, misogyny, sexism, chauvinism” iyo dhigooda Af-Soomaliga ah. Waxaabad moodaa in dadkiiba waxa loo qaybshay laba qabiil oo waawayn. Qabiilka haweenaysiga (rag iyo haweenba leh) oo jiritaankodu yahay soo dhicinta xuquuqda haweenka la duudsiiyay, kor u qaadida nolosha iyo kaalinta bulsho ee haweenka, iyo daafacaada haweenka. Waxaa qoladan hal ku dheg u ah “Sinaanta lab iyo dhediga”. Qabiilka kalena waa cidee? Waa inta soo hadhay, inta intaaba ka soo horjeeda. Inta aan ka soo horjeedin waa cidee? Labadii qarni ee ugu dambeeyay, waxaa is badal wayni ku yimi farsamadii wax soo saarka taasoo keensatay, is badal dhaqan dhaqaale oo saameeyay xidhiidhadii bulshada ee kala duwanaa iyo habkii bulshadu u abaabulnayd. Waa kacaankii warshadaha, shaqaale badan oo jaban ayaa loo baahday, taasina waxay dhalisay in haweenka oo marka horeba kartidooda la cadaadiyay fursad loo siiiyo inay hawlgalaan. May ahayn naxariis, waxay ahayd ka faa’idaysi.

Qiime aad u raqiis ah baa haweenka lagu shaqaalaysiin jiray, haa, mid ka raqiisan kan ragga dhigooda ah ee shaqeeya. Waxa laga yaaba in shaqo isku mida ay qaban jireen, hadana si kala duwan ayaa loo abaal marin jiray iyadoo ragga loo sad burinayo. Markaa ayuu dunida galbeedka bilawday dhaqdhaqaaqa haweenaysigu, oo ah is kaashi u taagan u dagaalanka danaha jinsiga haweenimada. Waa dhaqdhaqaaq fikir, siyaasadeed iyo mid dhaqan dhaqaale oo ku wareegaya haybta dumarnimo. Si kastaba ha ahaatee, bulshada Odaytooyadu saamayn togan kuma lahayn oo kaliya haweenka, sida ay haweenaystayaashu ku nuux nuuxsadaa, si ka duwan, Odaytooyadu waxay saamayn togan ku leedahay wiilasha dhalinyarta ah oo wax badan ku waaya yaraanta da’dooda. Maaha oo kaliya kuwaa, laakin sidoo kale, ragga aan kartida, awooda, xubinimada koox awood leh ama hanti aan lahayn, lama sinna kuwa kale ee intaaba haysta.

Waxaan u socdaa inaan bidhaamiyo, inaan haweenaysigu ahayn sida loo dhigayo dhaqdhaqaaq ilbax ah ee uu yahay dhaqdhaqaaq danaysi oo danaha iyo xuquuqda in gaar ah –haweenka– uun aqoonsan ama u orda, aan rabin sinaan, ee raba in uu galo kaalinta Odaytooyada si uu u noqdo Haweentooyo. Waa dood culus, laakin waan difaacayaa. Waxa cadayn u ah, haweenaystayaashu waxay aad ugu doodaan sinaanta siyaasadeed. Marka ay noqoto hogaanka, ma dhahaan meel kaste oo hogaan jiro laba qof oo siman –lab iyo dhedig– ha hogaamiyeen, balse waxay ku qancaan in booska ragga lagu badalo haween. Halkii uu gali lahaa ninka ugu awooda ama kartida badan ee bulshada Odaytooyada, waa in fursad loo siiyo in ay haweenay gasho si loo helo Haweentooyo.

Ma boosas baa lakala qaaday –la isu badalay– mise waa la wadaagay, sinaaday? Waaba intaa, meeday sinaantu? Dhanka qoyska markay noqoto, dhaqdhaqaaqa haweenaysigu wuxuu ku dadaalay in dumarku fursado kuwa ragga ah u helaan shaqada, guriga iyo barbaarintana labada qof ee qoyska wadaagtaa u sinaadaan. Waaba cadaalad mise ma aha? Si guud hadaad u fiiriso, waxaad is dhahaysaa waa cadaalad iyo sinaan, laakin dhan kale hadaad ka eegto waxaad arkaysaa in haweenkii kud laga raray oo qanjo loo raray. Haweenka cadaadis baa lagu hayay, waxay ahayd in xuquuqdooda dadnimo la xaqiijiyo marka hore. Marka xigta xuquuqdooda qoysnimo la xaqiijiyo doorka ay ku leeyihiin. Marka xigtana, xuquuqdooda shaqo la xaqiijiyo. Qayb ahaan waa la xaqiijiyay oo kud waa laga soo raray, laakin hadana hadimo kale ayaa loo sii diray oo ah in dhinaca waajibaadka lala simo nin ay ahayd in uu ka waajib bato.

Micnaha waajibaadkii ragga ayaa badh ahaan meesha laga tuuray, halka waajibadkii dabiiciga ahaa wali dumarka saaranyihiin. Si walba haloo sinaado marka la leeyahay ee ay noqonayso in ninka iyo gabadha qoys wada leh ay dakhli soo saarka ay qaybsadan kharajkana qaybsadaan si siman, miyaanay dheeli ahayn. Gabadhu uur bay qaadaysaa, way foolanaysaa, qof bay dhalaysaa, way jaqsiinaysaa laba sano, hawshaana cidi lama waadigi karto oo waa dabiici (nin uur yeeshay miyaad aragtay, fooshay ama naas jaqsiiyay?). Hadana inay shaqayso (walaw inta umusha fasax ha lasiiyo) laakin mudo kooban kadib goobta shaqada waxa looga fadhiyaa inay shaqayso. Ninkii isagu hawshiisii buu iska wataa, hawsha dheeraadka ah ee gabadha kuma lug yeelan karo, laakin shaqada guriga iyo mida barbaarinta ubadka wuu la qaybsan karaa gabadha. Sinaan shahaasi ma cadaalad baa mise waa cawaanimo?

Gunaanadkii, shaki kuma jiro in Odaytooyada ay u dhamaatay oo laga gudbi doono; da’da, jinsiga iyo awooda ay ka sarrayn doonaan qiyamka cadaalada, sinaanta dheeliga tiran iyo xuquuqda dadnimada. Sidaa darteed, haweentooyaduna mid dhici doonta noqon mayso oo garaadka dadku wuu aqoonsan doonaa in aanay arrin ahayn kud ka guur oo qanjo u guur. Mustaqbalka waxa iska leh, dadka ma aha oo kaliya haweenka, odayaasha ama dhalin yarada ee iyaga oo isku duuban isku dheeli tiran oo iskaashanaya ayay ilbaxnimada aadamaha dhulka ka hinjin doonaan.

By Khaled Mohamoud [Ibn Khaldun]

COMMENTS
Latest News