Maalmahanews.com
Taliyihii Laanta Socdaalka Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Taliye Cusub Oo Loo Magacaabay
February 18, 2016 - Written by admin

Hargeysa(Maalmaha News)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa  xilka ka qaaday Taliyaha laanta socdaalka Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf, ka dib markii  uu qawaday waajibaadkiisa shaqo. Waxaana  shalay Wasiirka Arrimaha Guduhu uu Taliyaha cusub ee laanta socdaalka Somaliland uu u soo magacaabay  Taliyihii hore ee laanta socdaalka  Mr. Maxamed Cismaan Caalin oo loo yaqaano (Dayib) oo xilka laga qaaday bishii April 2012-kii.

Wasiirka Daakhiliga, ayaa sharciyan magacaaba  Taliyaha laanta socdaalka. Xilka qaadista Taliyihii laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf, ayaa ku soo beegantay iyadoo danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Nairobi Maxamed Cali Ameeriko  uu socdaal aan ujeedadiisa la garaynin ku yimid Somaliland oo uu ku dhex mushaaxayay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera muddo todobaad ah, oo aanay  laanta socdaalku waxba

Maalmaha News/Hargeisa office

Info@maalmahanews.com

 

COMMENTS
Latest News