Maalmahanews.com
“Haddii Qoladan Isbahaysiga La Baxday Ay Xisbigoodii Saluugeen Waa In Nin Kastaa Damaciisa Liqo….” Gud. Faysal Cali Waraabe
February 18, 2016 - Written by admin

“Faysal Ahaan Arrimaha Qaranka Igama Joojiso Mucaarid Ayaad Tahay, Dawlad Kasta Oo Markaa Kursiga Fadhidana…”

“Guddida Doorashadu Waa In Ay Joojiyaan Olollahan Ay KULMIYE iyo WADDANI Wadaan Ee Iyada Oo Dadkeennii Bakhtiyeyaan Maalin Kasta La Isticmaalo Lacagtii Dawladda”Faysal


Hargeysa(Maalmaha News):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday inuu wada hadal dhex maray garabka ka fellaagoobay xisbiga KULMIYE.  Guddoomiye Faysal oo shalay  la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu tilmaamay inay ka wada hadleen siyaasiyiintaas arrimo la xidhiidha siyaasada somaliland ee gudaha iyo dibada iyo sidii layskaga kaashan lahaa danta guud, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan sheegayaa in nimankan isbahaysiga la baxay ee dawlada ka mid ahaa aanu saaxiib ahayn markii ay dawlada ku jireen, rag badana ay naga dhaxaysay wada shaqayn qaran, Faysal ahaana arrimaha qaranka igama joojiso mucaarid ayaad tahay, dawlad kasta oo markaa kursiga fadhida  wixii aan ku biirin karo waan ku biiriyaa, waana markii ugu horaysay ee intii ay saluugeen shirkoodii iyaga oo isku dhan aanu kulano, waxaanan uga war bixiyey halka ay marayso xaalada somaliland gudo iyo dibadba.” Sidaa ayuu yidhi Eng. Feysal Cali Waraabe, waxaanu intaa ku daray “ Hadday maanta xisbigoodii saluugeen waxaan xasuusiyey inay dhacdadan oo kale hore u soo martay xisbiga KULMIYE sanadkii 2008-dii, markii madaxweynaheena musharraxnimadiisa la samaynayey sidaas oo kale ayuu u kala dilaacay, waanan is af garanay waxaanan jecelnahay inay wada hadaladu noo sii socdaan oo nin kastaana damaciisa liqo laakiin danta guud  kow laga dhigo, taas ayaanu ku heshiinay, waxaanan jecelnahay inaanu is af garano maadaama oo aanu anagu dan qaran wadno iyaguna dan qaran wadaan,  waxa is qabsadaana waa damacyada oo is diida laakiin haddii danta guud laga wada hadlo oo la horaysiiyo dadku way isla helaan”. Ugu danbayn Faysal Cali Waraabe waxa uu guddida doorashooyinka somaliland u soo jeediyey inay tallaabo ka qaadaan labada xisbiga ee KULMIYE iyo WADDANI oo uu ku eedeeyey inay olole u rogeen diiwaan gelinta codbixiyayaasha waxaanu yidhi “Qolada la yidhaahdo guddida doorashadu waa inay soo saaraan inay joojiyaan ololaha ay wadaan labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI, waana inagu ceeb in iyada oo dadkeenii bakhtiyayaan  ay  maalin kasta 20 baabuur oo lacagta dawlada ah la isticmaalo, midina lacagtii baarlamaanka ayuu guranayaa, waana in la joojiyaa.”

Maalmaha News/Hargeisa

info@maalmahanews.com

COMMENTS
Latest News