Maalmahanews.com
“$10-Dollar Ee Aanu Doonaynay Inaanu Macallinnka Tayada Leh Iskuullada Gaarka Ah Ugu Soo Celinno, Ayuu Si Kale U Macnaynayaa Maamule 25-Sano Iskuul Iska Haystay…….” Wasiirka Wax-barashada Somaliland
February 17, 2016 - Written by admin

C.laahi-DheereHargeysa:(Maalmaha Neww)-Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta saree e Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay sababta ka dambaysa mudaharaadyo maalimihii ugu dambaysay qaar kamid ah ardayda dugsiyada magaalada Hargeysa ka dhigayeen dugsiyadooda, waxana ay caddaysay inay tallaabo cad ka qaadi doonto cidda arrimahaas ku lugta yeelata.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Md Cabdilaahi Ibraahim Habbane oo ka hadlay muddaharaadada soo noqnoqday, ayaa dhibka cabashadaas dusha u saaray maamulka Dugsiyada qaar gacanta ku haya oo uu  xusay inay u haystaan inay Iskuullada iska leeyihiin.

Wasiir Cabdilaahi dheere waxa uu muujiyey sida uu uga soo horjeedo inay maamulka Dugiysada dawladdu sannado badan dugsi gacanta iskaga hayaan, taas oo abuurtay in maamulka iyo Ardaydu xidhiidho hoose oo laga faa’iidaysan karo yeeshaan, “dhibaatadu waxa weeye 25-sano ninka meel joogay isagaa iskuulkii iska yeeshay, taasina wax suurtoobaysa ma aha, kurku hadduu na go’ayana ma qaadan karno in isagoo 25-sano meel fadhiyey uu carruurta nagu soo daro”ayuu yidhi wasiir Cabdilaahi dheere.

Wasiirku waxa uu fasiray  sababta ay wasaarad ahaan kor ugu qaadeen lacagta dugsiyada dawladda laga qaado, isagoo meesha ka saaray inay dano gaar ah arrintaas ka leeyihiin, waxana uu yidhi,“lacagtii yarayd ee aanu doonaynay inaanu macallinnka tayada leh iskuullada gaarka ah uga soo celinno, ayuu si kale u macnaynayaa, annagu ma lacag baan ka qaadanaynaa, waayo iskuulladii dawladdii baa noqday qaar laga yaaco oo kuddaafad ah, waxa laga mudaharaadayaa waar lacagta waalidka laga qaadayaa macallin tayo leh ha u goyso, annagu ninna u danayn maynee.”

Mar uu ka hadlayey sida qaarka mid ah masuuliyiinta qaranku u qaybsadeen dhulkii danta guud ee dugsiyada loogu talo galay ayaa waxa uu yidhi,“dhul dan guud loogu talo galay oo badan oo la iska dhisnay baa jira oo rag masuuliyiin ahi wada qaateen, inanka dugsiga Faluuja dhigta toban kun oo  bas ah baa kusoo baxa si ay Faarax oomaar ama dayib gurey u yimaaddaan, taasina macquul ma aha.”

Cabdilaahi Ibraahim Habbane waxa uu si cad u sheegay in maamule kasta oo ardaydiisu cabasho keento tallaabo laga qaadi doono, isagoo codsaday in ardayda iyo wasaaraddu xidhiidh fiican yeelan doonaan,“Maamulaha dib dambe iskuulkiisa looga soo mudaharaadaana isagaa udhiman doona’e ha ii sheego waxa ay carruurtu tabanayso wixii aanu qaban karnaanu ka qabanne, laakiin inuu isagu ma’aamaradka soo dhigo oo uu yidhaahdo taayirro guba aqbali mayno, maamulku hadduu awoodi waayona annagaa ka dhaadhicinayna.”ayuu yidhi wasiir Cabdilaahi

Maalmaha News

COMMENTS
Latest News