Maalmahanews.com
Xukumada Somaliland Oo Aan Weli Talaabo ka Qaadin Dhismaha Dekada Ceelgardi+Maleeshiyo Beleed kasoo jeeda Bariga Burco oo isku Urursanaya Xagal+Dableydii Weerarka gaysatey iyo Ciidamada Amaanka oo Is-baacsanaya
February 14, 2016 - Written by admin

Hargeisa(Maalmaha News)-Ciidamo Beleedyo kasoo Jeeda Degaanka Bariga Burco ayaa ka soo Dhaadhacay Dawga Mariye ee Xuduuda Bari,ee u dhaxeysa Gobolka Saaxil iyo Togdheer,kuwaasi oo sida la sheegay ilaa Xaley isku Urursanayey Tuulada Xagal ee Bariga Gobolka Saaxil, Ciidan Beleedkan oo ah kuwo aad u loo Hubeeyey ayaa wararkaa aanu Degaankaasi aanu ka helayna, ay Tibaxayaan inay Wataan dhawr Gaadiid ah oo nooca 4wd ama Sangeerka leh,oo markaasi Guud lagu soo jarey Magaalada Yiroowe ee Bariga Burco.

Xukumada Somaliland Oo Aan Weli Talaabo ka Qaadin Dhismaha Dekada Ceelgardi+Maleeshiyo Beleed kasoo jeeda Bariga Burco oo isku Urursanaya Xagal+Dableydii Weerarka gaysatey iyo Ciidamada Amaanka oo Is-baacsanaya

Maleeshiyo Beleedkan ooTiradooda lagu Qiyaasey ilaa 200 Askari ayaa laga Soo Ururiyey Ardaayada Beesha Bariga Burco, islamarkaasina sida wararki ay shegeen waxay ay Ku soo Jeeda Degaanka Ceelgardi oo ay ka socoto Dhismaha Dekad Sharci daro ah, oo Maalintii shaley Dabley Hubeysan oo ka soo Jeeda Xoola dhaqatada Degaankaasi ay Weerar u geysteen.

Sidoo kale Wararka aanu ka helay Dableydii kasoo jeeday Xoolo dhaqatada Beesha Degaanka Saaxil ee iyagu Weeraray Dhismaha Dekadaasi, ayaa sida Xoguhu Tibaxeen isku Urursanaya Degaanka Buuraleysa Bariga Saaxil ee Wagar iyo Biyoole, Burco-Kibir, kuwaasi Gurmadkoodu ilaa xaley Midhiiqane uga soo baxayeen Magaalooyinka Berbera iyo Burco,islamarkaasina doonaya inay Weerar labaad ka Fuliyaan Degaanka Ceelgardi ee laga Wado Dhismaha Dekada Sharci darada ah ee la sheegay inay Maalgalinayaa Shakhsiyaad Xidhiidh la leh Kooxda Mayalka Adaga ee ka Dagaalanta Yemen, oo Doonaya in Shidaalka iyo Hubka loo Mariyo Xuutiyiinta Yemen.

Dhinaca kale ilaa maalintii Shaley Waxa Magaalada Berbera ku soo Qul-qulayey Ciidamo Tiro badan oo iskugu jira Ciidanka Booliiska iyo Qaranka,kuwaasi oo uu hogaaminyo Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeye Guuto C.raxmaan Libaan (Fooxle)kuwaasi oo Bartilmaameed sanaya inay gacanta ku soo dhigaan Dableydii Weerartay Dhismaha Dekaddaasi Sharci darada ah ee laga Binaynayo Degaanka Ceelgardi,balse aan ilaa haatan aan wax talaabo ah ka qaadin Dableyda Dhinaca Beesha Bariga Burco ee isku Urursanaya Degaanada xagal iyo Laasciidle, islamarkaasina ilaa haatan aan Tagin Goobtii Dekadda Sharci darada ah laga Wadey ee Dirirtu ka dhacday, oo weli dhismihii ka soconayo.

Haddaba Xaalada coladeed ee maalmihii u dambeysay ka Taagan ee Gobolka Saaxil,ayaa dabada ku haysa Dhismaha Dekadda Sharcidarada ah ee oo Koox Xidhiidh la leh Xuutiyiinta Dalkaasi Yemen ay Binaynayaan Degaanka Ceelgardi ee Duleedka Magaalada Berbera,waxaanay Xiisadani sababi kartaa haddii aan talaabo adag aaney ka qaadan Xukumadu Somaliland,ay noqon kartaa mid wiiqda Xasiloonida iyo Horumarka Somaliland

Maalmaha New/Hargeisa

Info@maalmahanews.com

maalmahanewsnetwork@gmail.com

COMMENTS
Latest News