Maalmahanews.com
WAR Dag-Dag ah: Madaxweynaha Somaliland oo Golihiisa Wasiirada Iyo Qaar Ka Mid ah Guddoomiyayaasha Gobolada ku Sameeyey Bedal, Magcaabis, iyo Xil ka Qaadis,
February 14, 2016 - Written by admin

Taariikh: – 14/02/2016 WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu caawa Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3830/022016 uu Magacaabis, Xilka qaadis iyo Bedel ku sameeyey Masuuliyiin kala duwan. MADAXWEYNUHU:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan Wasaaraddaha, iyo Gobolada, Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu Ku Qancay: Inay hanan karaan xilalkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday No Magacaabid Xil hore Xil Cusub / Xil suge / Qaadis 1 Mudane,

1.Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Wasaradda Duulista Wasiirka Warfaafinta

2 Mudane, Cabdillaahi Maxamed Daahir Wasiirka Warfaafinta Wasiirka Xannaanada Xoolaha

3 Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax Wasiirka Xannaanada Xoolaha Wasiirka Duulista Hawada

4 Mudane, Muuse Qaasim Cumar Wasiirka Ganacsiga Xil Suge.

5 Mudane, Yaasiin Maxamed Shide Guddoomiyaha Gobolka Sool Xil Suge.

6 Mudane, Xuseen Aadan Cige Af-hayeenka Madaxtooyada Wasiirka Ganacsiga.

7 Mudane, Mawliid Maxamuud Ibraahin Wasiir Ku-xigeen W. Xidhidhka Golayasha Xil Ka Qaadis.

8 Mudane, Cabdillaahi Maxamed Carey Maareeyaha Madbacadda Qaranka Xil Ka Qaadis.

9 Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud Wasiir Ku-xigeen W. Duulista Wasiir Ku-xigeen W. Ganacsiga.

10 Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed Wasiir Ku-xigeen W. Ganacsiga Wasiir Ku-xigen W. Qorshaynta.

11 Mudane, Cabdi Yuusuf (Cabdi Wadad) Wasiir Ku-xigeen W. Qorshaynta Wasiir Ku-xigen W. Kalluumaysiga.

12 Mudane, Naasir Ayjeex Jaamac Wasiir Ku-xigenka W. X. Golayasha.

13 Mudane, Maxamed X. Aadan Cilmi Wasiir Ku-xigeen W. Kalluumaysiga Wasiiru Dawlaha W. Waxbarashada.

14 Mudane, Axmed Nuur Faahiye Wasiiru Dawlaha W. Waxbarashada Wasiiru Dawlaha W. Duulista 15 Mudane, Xamse Maxamed Cabdi Guddoomiyaha Gobolka Gabiley.

16 Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Guddoomiyaha Gobolka Soo.

l 17 Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cilmi Fahiye (Shamax) Afhayeenka Madaxtooyada.

18 Mudane, Siciid Saalax Shire Maareeyaha Madbacadda Qaranka

ALLAA MAHAD LEH Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

COMMENTS
Latest News