Maalmahanews.com
MAALINTA CODDEYNTA, FAHAMKA LIITA IYO SIYAASIGA AWDAL
February 14, 2016 - Written by admin

Faallo: By Mohamed Hajii

”Covenant of Voting” ama isii aan ku siiyo eh, waa siyaasad laga isticmaallo meello badan oo adduunka ka mid ah. Gaar ahaan xilliyada doorashada, waxa na ay dhex-martaa deegaan iyo Xisbi taaggeerro doon ah. Axsaabta siyaasiga ah qaar kood ayaa isticmaalla siyaasaddan oo ka turjumeysa in taaggeerro siyaasi ah oo uu deegaan bixiyo, hadhaw abaal gud siyaasi ah uu ku helo iyo wax qabad ay ciddii taaggeerrada la siiyey uga fal-celineyso. Iyada oo abaal uga dhiggeysa deegaankii coddadka siiyay.

Xisbiga KUMIYE ee Somaliland siyaasadda tan waa uu adeegsadey markii uu dawladnimada helay 2010. Dhamaan deegaannadii ugu taaggeerrada badnaa ee coddadka siiyey waxa uu u badiyey kuraasta siyaasiga ah. Gobolka Awdal oo uu taaggeerro aad u yar ka helay ilaa iyo hadda waxa uu ka cawdaa saami-qabysiga dawliga ah.

Laakiin, inta badan dadkiisu ma fahamsana sababta keentay in ay Wasiirrada shillis ee dalku leeyahay wax ku yeellan waayaan. Waa na tii keentay in Suldaan Wabar jabhaddeeyo. Inkasta oo cabasho dheer ka dib hadda Awdal la siiyey Wasaaradda Waxbarashada. Halka Suldaan Wabar na aakhirkii dantu ay u run-sheegtay oo uu oggaadey in collaad iyo nabad AWDAL ay kala jeceshahay, laakiin farsamadu meel ay ka qalloocatey

Waxa se ka dhaw in Awdal fahamto siyaasadda ”Covenant of Voting” oo aan dagaal iyo colaad toona ku dhisneyn eh farsamo iyo xeellad siyaasi ah lagu sameeyo. In siyaasaddan Awdal qurbe-joog iyo siyaasi ba u fahmaan anniga aad bay iila quman tahay. Waxa laga yaabaa in dadka qaar is yidhaahdaan, oo saw Awdal xor uma aha in ay taaggeerradeeda meesha ay doonto ula kacdo? Waa run laakiin waxa garab yaalla in Madaxweynaha la doortaana uu xaq u leeyahay in Wasiirrada shillis meesha uu doono ka keenno, sida uu rabana u qaybiyo sharci u diiddayaana aannu jirin.

Xisbiga KULMIYE waa uu ka waayo-aragsan yahay labada Xisbi ee kale, sababtuna waa miisaanka siyaasi ee uu leeyahay oo ah in siyaasiyiin badan oo ruug-cadaa ahi ku jiraan. Xisbiga KULMIYE waxa uu ugu talo-galey in aanney guusha marnaba  isa-seeggin. Si taa looga run sheeggana waa in habbab siyaasi ah oo xeelladeysan marwalba la adeegsadaa. Waxa ka mid ah siyaasadda isii aan ku siiyee ama (Covenent of Voting). Siyaasadda tani waxa ay abuuraysaa in Xisbigu abuurto Deegaan-Dhaqameedyo-Taaggeerro (traditional supporters). Waa na ta keentay in afar Gobol oo waaweyn uu doorashooyinkii dalka ka dhacay oo dhan ku guulleysto sida Maroodi-Jeex, Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Gobolka Awdal inkasta oo uu Madaxweyne u sharaxnaa hadda na coddadka ay KULMIYE siiyeen waxa ay noqdeen kuwa aad u yar, marka la eeggo tiradii ka coddeysay Gobolka. Halka uu Gobolka Togdheer oo Madaxweyne u sharaxnaa aannu sidaa marnaba yeellin ee uu taaggeerro badan siinayey Daahir Rayaale. Kala duwanaanshaha labada Gobol (Awdal & Togdheer) waxa aan ku sababbeynayaa in uu yahay dhinaca fahamka siyaasiga ah. Waayo Togdheer waxa uu fahamsan yahay in si kasta oo uu cid ugu coddeeyo, aannu kalidii soo saarri karin Madaxweyne, halka ay Awdal intaa siyaasiyiinteedu hore uga il-duufeen maanta na ay u egtahay in ay wali il-duufsan yihiin.

Awdal inta badan dadku waxa ay yidhaahdaan waa Gobol aad u ilbax ah oo xaddaarad badan oo taariikhi ah leh. Hadda na marka ay dhanka siyaasadda timaaddo waa ay beennowdaa taasi oo caadifad dheerri ah ayaad moodaa in uu la soo baxo. Waxa se xusid mudan in Gobolka Awdal oo aad uga dagaallamay in KULMIYE la doorto hadda na uu KULMIYE soo baxay.

Maanta Gobolka Madaxweyne uma sharaxna waana uu ka duwan yahay sidii hore oo ma aha xukun doon. Laakiin, waxa ay mudan tu tahay in uu ka faa’ideysto qaladkii hore ee ahaa in aannu codkiisa shul ama shal ka dhiggin ee uu qaybiyo. Haddii se uu cid gaar ah iska caashaqo waxa ay ku keeni kartaa khasaare aad u balaadhan oo hadhow dambarsada.

Sababta Gobolka Awdal aan u soo qaatey maanta waa iyada oo Gobolka aan wax badan isku nahay. Lexejeeclo bandan na iga hayso oo dheerri ahi. Waxa se aan Reer Awdal leeyahay, siyaasaddu ma aha wax jacayl iyo nacayb toona ku timaadda. Siyaasaddu waa xigmad iyo farsamo caqli loo adeegsado oo dantaada iyo faa’idada umaddaada aad ku eeggnayso.

Maanta warka iga kiin soo gaadhayaa ma aha mid, xaddaarad iyo ilbaxnimo badani ku jirto. Waxa aad oggaataan in Gobolka Hargeiysa (Maroodijeex) oo ay ka coddeeyaan in ku dhaw 50% kaliya uu sameyn karo Madaxweyne kalidii haddii uu is-raaco. Waa markaa aynnu eegno taariikhda coddeynta dhinaca doorashada eh. Dhamaan Gobolada kale ee dalku codka way biirrin karaan laakiin ma sameyn karaan Madaxweyne. Inkasta oo Hargeysa aad looga xildhibaanno badan yahay oo aanney isku dhigmin codka ka soo baxa iyo saamiga Wakiillada ay ku leedahay.

Yeelkeed eh, maanta dardaaran kaygu waxa uu daaran yahay, yaan Awdal mar dambe is hodin. U malleyn maayo in KULMIYE baddellayo siyaasaddii ahayd in uu xisaabta ku bixiyo isii aan ku siiyee (Covenant of Voting). Dhanka kale waxa ay ka soo horjeeddaa walaalnimada iyo is-ahaanshiyaha in si caaddifadeysan codka loo bixiyo, gaar ahaan marka aannad ahayn adigu cidda Madaxnimada u tartameysa.

Guddoomiye Muuse iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan, Reer Awdal yaaney kala jeclaysan. Waa laba siyaasi oo laba deegaan ka soo kala jeeda. Haddii ay jaarnimo noqoneyso mid baa dhaw, haddii ay siyaasad noqoneyso se waa in xisaab adag lagu daraa oo saadaal wacan wadata. Waayo aragnimadu waa mid qaali ah, faa’idada ugu weyn ee ay leedahay na waa in taaggan iyo timaaddo walba aad uga danaysato. Waxa aan ka digayaa in Awdal iyo xeellada siyaasiga ahi aanney isa seeggin. Wa Bilaahi Tawfiiq.

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.

 

COMMENTS
Latest News