Maalmahanews.com
Siyaasiyiintii Garabka Isbahaysiga Kulmiye Oo La Soo Weriyey In Is-afgaranwaa Saddex Garab U Kala Jabiyey
February 9, 2016 - Written by admin

Hargeysa(Maalmaha News)– Warar lagu kalsoon yahay oo ay helayso shabakada wararka ee Ramaasnews ayaa waxaa ay sheegayaan in khilaafkii ugu xumaa uu ka dhex curtey siyaasinta la magac baxay isbaheysiga Kulmiye.

Khilaafkan ayaa waxaa la sheegay in uu sabab u yahay, kadib markii ay siyaasiyintani iskaga soo horjeesteen halka uu biyo dhigan doono mustaqbalkooda siyaasadeed.

Xubno ka mid ah siyaasiyintaas oo uu hor kacaayo Siyaasiga Cabdicasiis samaale ayaa xogahani xuseen  in uu soo jeediyey in ay ka sii mid ahaadan xisbiga kulmiye, wado-hadalo toos ahna ay la furan madaxda xisbiga. Sidoo kale Cabdicasiis samaale ayaa ganafka ku dhuftey in uu xisbigaasi ka baxo isaga oo ku dooday in xisbiga Kulmiye uu ka galay wakhti badan iyo hanti badani.

Dhinca kale siyaasiyiin, uu horkaacayo wasiirkii hore wasaarada Madaxtooyada Somaliland Muddane Xirsi ayaa ay sheegayaan xogahani in uu soo jeediyey in ay ka huleelaan xisbiga Kulmiye isla markaana ay ku biiran Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, xisbiga Kulmiyana ay ku kicyaan guluf siyaasadeed oo ay kaga hor imanayaan in uu mar labaad talada dalka gacanta ku qabto.

Xogahani waxaa ay sheegayaan in xubno kale oo siyaasiyiintan ka mid ahi in ay la shir yimadeen in aanay meelna ku biiran, isla markaana ay banan joogaas uun ahaadaan ila inta uu imanaayo saansaan kale oo siyaasadeed oo ay rajadooda ka dhex arkaan

Isku soo wada duubo khilaafkan ayaa waxaa la sheegaya in uu yahay kii ugu cuslaa ee ka dhex qaraxa siyaasiyinta isbaheysiga kulmiye, taas oo dadka falanqeeya siyaasaduna ay sheegeen in uu sabab u noqon karo burbur ku yimaada awoodoodii siyaasadeed ee ay ku dhex lahayeen Somaliland

Xigasho Ramaasnews

COMMENTS
Latest News