Maalmahanews.com
Gudoomiyaha Laanta Wales UK, ee Xisbiga kulmiye Oo Shir Muhiima La Yeeshay Taageerayaasha kulmiye ee Magaalada Cardiff+SAWIRO.
February 9, 2016 - Written by admin

Cardiff-(Maalmaha News):- Guddoomiyaha Laanta Wales, Uk Xisbiga Kulmiye Mr.  Cali Maxamed xaji Xasan(Cali-shine) ayaa habeenkii xalay ahaa Kulan Mihiim magaalada Cardiff ee Xarunta Gobolka Wales kula qaatay taageerayaasha magaalada xisbiga Kulmiye ee Magaalada Cardiff.

Kulankan oo ahaa munaasabad ama xaflad is xog-waraysi ah si heer sare ah u agaasineyd waxa ka soo qayb galay dhamaan duqayda magaalada Cardiff ee sida weyn u taageerada xisbiga kulmiye isla markaana Mus-dambeeka u ah xisbiga kulmiy Laantiisa Gobolka Wales, odayaasha ka soo qayb galay kulankani ayaa waxa laga xusi karaa. Hassan Ali Salaan, Yusuf Hashi, Hassan Ahmed said, Cawil Jamac Mire, Mohamed Ahmed Kuutiye, iyo Cabdi cabdilaahi Xamari.

Ugu horayn Guddoomiyaha Cali ayaa u mahad naqay dadkii soo abaabulay xafladan is xog waraysiga ah ka dibna si kooban uga hadlay waxqabadkii laanta Carddif mudadii saddexda bilood ahayd ee xilka hayey isaga iyo gudida fullinta ee laanta Cardif,gudoomiyuhu waxa u si gaara ugu mahad naqay xogyaha maaliyada Cabdiqani Aadan dheere oo uu ku tilmaamay inuu yahay nin aad iyo aad hawl kara go’aan qaasho ficiin leh .

Guddoomiyuhu wuxuu hadalkiisa gunaanaday ”in hawshii xisbigu dhaqaaqayso lana bilaabayo dhaqaale ururintii.

Waxa kaloo halkaa ka hadlay Cumar Maygaag Samatar (Cumar Shubbe) oo sheegay in Gudoomiye Cali Ciise ahaa ragii Maddexwayne Siiraanyo u ahaa rukumada uu kursiga ku fadhiisiyey .

Cumar Maygaag waxa goobtaa ka sheegay in si dhaba ay ula shaqayn doonan gudoomiyaha Cali Ciise.

Ahmed Hassan Arwo lataliyaha madaxwaynaha ee xaga dhaqqlaha ayaa gunaanadkii xaflada ka soo jeediyey hadalo dardaaran iyo dhiiri galin ah una sheegay taageerayasha in looga baahanyahay wada shaqayn iyo fadhiga oo laga Jacó. Gudoomiye Cali ciise oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in xisbigu u baahanyahay dar dar galin.

 

210

 

4

9

1

12

Maalmaha News/London

Info@maalmahanews.com

 

COMMENTS
Latest News