Maalmahanews.com
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Maanta Safar uu ugu Kuur galayo xaalada Abaaraha ugu Baxaya Magaalada Gabilay.
February 8, 2016 - Written by admin

Hargeisa (Maalmaha News) – Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Kulmiye, ahna Murashaxa doorashada soo socota uga qayb galaya xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu maalinta berri ah socdaal ugu baxayo Magaalo Madaxda Gobolka Gabilay ee Gabilay.DSC_7548

Ilo wareedyo u dhuun daloola safarka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in uu yahay mid shakhsi ah, kaas oo aanay jirin soo dhaweyn loogu samaynayo magaaladda Gabiley.

si dhab ah looma garanayo arrimaha u gaarka ah ee uu guddoomiyaha xisbiga Kulmiye u tagayo magaaladda Gabiley, hasayeeshee waxa la filayaa in marka uu soo dhamaysto arrimaha uu ugu kicitimayo magaalada in uu kulamo hoose la yeesho masuuliyiinta uga wakiilka ah xisbigiisa Gobolka iyo waliba odayada deegaanka, kuwaas oo ay ka sheekaysan doonaan dantooda gaarka ah.

Maalmaha News/Hargeisa Office

Info@maalmahanews.com

COMMENTS
Latest News