Maalmahanews.com
DHAMBAAL TACSI AH OO OO UU DIRAAYO MUSTASHAAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM SICIID IBRAAHIM XAYD
February 8, 2016 - Written by admin

Cardiff(Maalmaha News):-Lataliayaha Madaxweynaha JSL Mustashar Axmed Carwo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka xaaskiisa Amal Cumar Carte iyo ka reer Cabdi Carwo waxa uu tacsi u  dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii  ee uu ka baxay Marxuum Siciid Ibraahim Xayd oo maanta 8/02/2016 lagu aasay magaalada London,  Waxaanu si gaar aha u tacsiyadeynayaa  tafiirtiisa iyo reer Ibraahim Xayd meel kasta ooy joogaan

Marxuumku wuxuu ahaa odayada London waliba kuwii ugu soo horeeyey ee qaxootinimadu dalkooda ka soo kicisay. Oday aan ka gaabsan hawlihii bulsho ee xiliyadii qadhaadhaa ka jiray dalka. Waxuu ahaa nin cibaado badan oo ku samray xanuun muddo dheer hayey.

La-taliyaha Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistiisa janatu fardawsa ka waraabiyo. Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo guud ahaan  gobalka Maroodi jeex ee uu ka soo jeeday, inuu Alle waafajiyo  samir iyo duco.
Ahmed Hassan Arwo

0044 7535447230

COMMENTS
Latest News