Maalmahanews.com
“Madaxweyne Siilanyo Oo Leh Awooda Bixinta Dhulku Waxaa Uu Ganacsade Cumar Ceydiid Siiyey Dhul Cayiman “ Wasiir Cukuse
February 7, 2016 - Written by admin

Hargeysa(Maalmaha-News):- wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Muddane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse waxaa uu sharaxaad  ka bixiyey dhulka  uu muddoyinkii danbe muranku ka taagan yahay ee tiyaatarka Hargeysa

Wasiir cukuse oo manta warbaahinta kula Hadley xafiiskiisa waxaa uu sheegay in madaxweyne siilanyo uu dhul cayiman siiyey ganacsade Cumar Ceydiid isla markaana dhul kale oo meesha ka banana   kuna jirin dhulka la siiyey ganacsade Cumar ceydiid uu madaxweynuhu siiyey muwaadinin kale oo soo codsadey waxaana uu yidhi

“Madaxweyne Siilanyo oo leh awooda bixinta dhulku waxaa uu  Ganacsade Cumar Ceydiid  siiyey dhul cayiman   dhulkaasi waa dhismahii hore  tiyaatarkii  dhulkii ka baxasanaa waxaa soo doontey oo  la siiyey muwaadinin  kale  waxaana ay kala leeyihiin saddex cabir oo kala duwan , dhulka uu tiyaarku leeyahay cabir gaar ah ayuu leeyahay ,  dhulka ganacsade Cumar Ceydiid la siiyeyna warqada waxaa ugu qoran cabir ,  dhulka kale ee ninka kale la siiyeyna waxaa ku qoran cabir kale markaa hal mitir ma wadaagan  waana dhul kala wada gaar ah“ ayuu yidhi.

2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale wasiir cukuse oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi  “waxaan doonayaa in aan sidoo kale aan la hadlo raga inta  badan ku celcelinaayey meeshi miyaanay tiyaarakii uun aheyn  sidoo kalana odhanaya madaxweyne siilanayo ayaa baloodh isku mid ah siiyey salaadiin iyo Cumar Ceydiid taas baan ka jawabayaa waxaana aan leeyahay ma jirto “

Dhinaca  kale wasiir cukuse waxaa uu cadeeyey cabirka guud ee tiyaatarka  , cabirka dhul ee   la siiyey  ganacsade cumar ceydiid  iyo inta  la siiyey muwaadinka kale waxaana uu yidhi

“Guud ahaan dhulka tiyaatarku waa 9200 miter isku weer  (sagaal kun iyo laba boqol oo mitir isku weer) dhismaha aqalka tiyaatarku waa 2400 miter isku weer ( laba kun iyo afar boqol oo  miter isku weer) ,   inta barxada ahi waa 2193 miter ( laba kun boqon iyo saddex iyo sagaashan miter isku weer )   inta la siiyey ganacsade Cumar ceydiid waa 4607 miter ( afar kun lix boqol iyo todoba miter isku weer )  markaas ma aha aqal baan  dhisanayaa oo  kijadiisa meel kale ayey ku wacantay ma aha adeer “ ayuu yidhi wasiir cukuse

Maalmaha News/Hargeisa office

info@maalmahanews.com

 

COMMENTS
Latest News