Maalmahanews.com
“Cumar Ceydiid Ma Aha Ninkii Qeylin Lahaa Iyada Oo Intaas Oo Dhan La Siiyey “ Wasiir Cali Mareexan
February 7, 2016 - Written by admin

Hargeysa(Maalmaha-News):- wasiirka wasaarada Hawlaha guud iyo guryeenta Somaliland Cali Maxamed Xassan (Cali Mareexan ) waxaa uu markii ugu horeysay uu ka Hadley muranka   soo noq noqdey ee ka taagan dhismaha tiyaatarka Hargeysa.

6

Photo File:- Wasiir Cali Mareexan

Wasiirku waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay inbuuq iyo is qab qabsi  dhismaha tiyaatarkaasi uu ka  sameeyo ganacsade Cumar Ceydiid oo uu xusay in uu dhistey dhul aan ku jirin kuwa digreetada lagu siiyey waxaana uu yidhi

“Ganacsade Cumar Ceydiid inta uu tiyaatarku yahay waa laga kireeyey  sida digreetada ku cad , inta wajahada koonfur xigtana waa la siiyey  sida aad la socotaan  Cumar Ceydiid waxaa  uu ka dhistey dhime ku taxan  oo dhinaca bari ka soo daboolay  , dhinca waqooyi xigta ee  ku began carwada waxaa uu ka dhistey fooq dheer  oo tiyaatarka dhinca waqooyi ka daboolay midina labadaas dhisme kuma cada digreetadan lagu siiyey waana dhul dheeraad ah oo uu ka darsade iska daa qeybtan kale ee muranku ku jiree  “ ayuu yidhi

Sidoo kale wasiir Cali Mareexan oo hadalkiisii sii wata waxaa uu intaasi ku sii daray “Cumar Ceydiid ma aha ninkii qeylin lahaa iyada oo intaas oo dhan la siiyey  oo aan shilin laga qaadin mise waa ninkii dejin lahaa  ee umada u mahadnaqi lahaa ee madaxweynahana u mahadnaqi lahaa “ ayuu hadalkiisii ku soo koobay Wasiir Cali Mareexan

Maalmaha News/Hargeisa Office

info@maalmahanews.com

COMMENTS
Latest News