Maalmahanews.com
Cabdirashiid Xassan Mataan Oo Hankiisi Siyaasadeed Kula Ciiray Xisbiga Waddani Iyo Qaban Qaabada Xaflada Soo Dhaweynta Oo Hargeysa Laga Dareemaayo
February 7, 2016 - Written by admin

Hargeysa-(Maalmo-News):- Cabdirashiid Xassan Mataan musharxii madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo dhawaan iska casilay xilkaasi ayaa waxaa uu hankiisi siyaasiga ahaa uu gogol dhigtey xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani kaas oo  la wado xaflada soo dhaweynta siyaasigan oo dhici doonta Maalinta Salasada ah ee todobaadkan .

c

Photo File:- Cabdirashiid Xassan Mataan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wararka ay ilaysnews helayso waxaa ay sheegayan in xisbiga waddani ay cududooda ku biirin doonan siysaasigan iyo iyo siyaasiyiin kale oo uu hogaaminayo  in kasta oo aanay xogahani xusin cida ay kala yahiin siyaasiyiintaasi kale

Sidoo kale waxaa dhamaadey wada hadal in mudo ah u dhaxeeyey masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo xubnahan ku biiraya, kaas oo ku soo dhamaaday heshiis is afgarad oo dhex maray labada dhinac.

Si kasta oo ay ahaataba xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani oo ka mid ah sadexda xisbi ee ka jira dalka  ayuu si toos ah u muuqdaa tartan adag oo ka dhaxeeya, iyada oo labada dhinacba ay ku mashquulsan yihiin inay kala jiitaan xubnaha miisaanka ku leh saaxada siyaasada somaliland si ay xisbiga cod ugu keenaan doorashada soo socota

Maalmaha News/Hargeisa Office

Info@maalmahanews.com

COMMENTS
Latest News