Maalmahanews.com
Akhri Tirada Cali-yada Iyo Ilma Cali-ga Buux Dhaafiyey Golaha Xukuumadda + Dookha M/weynaha Ee Burjiga Magaca Cali, Ma Ku Talagalbaa Mise Waa Caliyo Nasiibku Is Raaciyey?
February 7, 2016 - Written by admin

Hargeysa (Maalmaha News) – Shabakada Maalmaha News waxay jeclaysatay iney akhristayaasheeda u soo gudbiso daraasad uu sameeyey Wargeyska Foore oo  ku saabsan Magaca Cali Iyo Xidhiidhka ka dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee uu Magacaasi u biyo dhigtay.

Masuuliyiin Heer Walba leh oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka tirsani loogu yeedho ama lagu magacaabo ama Sida Uu Magacaasi ugu xoogan yahay Dawlada Siilaanyo,waxa kale oo Foore u soo bandhigayaa Akhristayaashiisa tiro kooban oo awood badan ku leh Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo iyaguna aan ka madhnayn ama ku Abtirsada Magaca Cali (Ilma Cali) taasi oo muujinaysa in Xukuumadda Siilaanyo iyo Magaca Cali Wada Shaqayn Wacani ka dhexayso oo ku saabsan Xaga Burjiga Sadaasha Wanaagsan.
Xidhiidhka ka dhexeeya Burjiga (Faal-Odoroska) Madaxweyne Siilaanyo iyo Magaca Cali iyo Aragtida Wanaagsan ee uu ka haysto ayaa laga dheehan karaa tirada iyo miisaanka ay ku leeyihiin Wasiiradda Magaca Cali Ku Sidkani ee uu waliba u dhiibay ama u magacaabay Wasaaraddaha ugu Miisaanka Culus. Waxa kale oo iyaguna jira masuuliyiin badan oo heer Agaasime iyo heer Wasiirul Dawle leh oo aanaan nasiib u helin inaanu idiin soo gudbino balse waxaanu Akhritayaashayada si dul xaadis ah ugu soo gubinaynaa inta masuul ee magaca Cali ku abtirsada ama loogu yeedho ee nasoo gaadhay ama aanu ku ogaanay Daraasadan oo si sax ah loogu Yeedho Cali ama Ilma Cali iyo Hay’addaha ay Masuulka ka yihiin ee ay ku magacaaban yihiin.
Liiska Cali-yada Wasiirrada Ah:
1. Cali Siciid Raygal- Wasiirka Dib U Dejinta
2. Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) – Wasiirka Hawlaha Guud
3. Cali Maxamed Warancadde- (Wasiirka Daakhiliga)
4. Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe)– Wasiirka Qorshaynta Qaranka
5. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle) -Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada
6. Cali Jaamac Buureed – Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kayraadka Badda
7. Cali Xaamud Jibriil- Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmibaadhista iyo Tiknoolajiyada.
Xoghaye Sare Iyo Safiirada Somaliland:
1. Cali Axmed Cali – Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweyne Siilaanyo.
2. Cali Ismaaciil Xasan – Safiirka Somaliland ee Faransiiska.
3. Cali Aadan Cawaale – Safiirka Somaliland Ee Dalka Ingiriiska
Wasiir Ku Xigeenada Cali-yada Ah:
1. Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadheer)- Wasiir Xigeenka Xanaanada Xoolaha
2. Cali Axmed Maxamed (Cali –Dhagool) Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warshadaha.
Mareeyayaasha Iyo Magaca (Cali):
1. -Cali Maxamed Cabdulle (Cali Biikalo) – Maareeyaha Hay’adda Dhawrista Tayada
2 -Cali Cabdilaahi Daahir – Maareeyaha Hay’adda Tiknoolajiyada (ICT Commission)
3- Cali Cumar Cabdi (Cali Xoor-Xoor)- Maareeyaha Dekadda Berbera
Badhasaabada Gobolada Iyo Magaca (Cali):
1. Cali Maxamed Faarax Badhasaabka Gobolka Saraar
2. Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) Badhasaab Xigeenka Gobolka Gabiley
3. Cali Cawil Cabdi – Badhasaabka Gobolka Daad-Madheedh
Masuuliyiinta Magacooda labaad yahay “Cali” (Ilma Cali):
1. Sacad Cali Shire – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibada.
2. Maxamuud Cali Sabeen Ramaax – Badhasaabka Gobolka Awdal
3. Baashe Cali Jaamac – Wasiirka Biyaha Somaliland
4. Aadan Xaaji Cali – Gudoomiyah Maxkamada Sare
5. Faysal Cali Sheekh – Agaasimaha Wasaaradda Boosaha
6. Ibraahim Cali Xasan – Badhasaabka Gobolka Hawd
7. Cawil Cali Ducaale – La-taliyaha Madaxweynaha Ee Ictiraaf Raadinta
8. Cabdi Cali Mahdi – Mareeyaha Tv-ga Qaranka Somaliland
9. Khadar Cali Gaas – La-taliyaha Madaxweynaha ee Warbaahinta
Waxa jira Xidhiidh dhaw oo u dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddii Daahir Riyaale kaasi oo ku saabsan Magaca Cali.Waxa uu Daahir Riyaale dhamaadkii Wakhti Xileedkiisa ku soo buuxiyay Golihiisii Xukuumadda Masuuliyiin badan oo Magaca Cali Sita ama Magacooda Labaad yahay Cali. Waxa imika muuqata in Xukuumaddan Siilaanyana dhabihiisii ay Qaaday waxa kale oo jira Masuuliyiin badan oo Labada Xukuumaddoodba ka biyo Cabay sida Cali Warancade iyo Cali kale oo labada Dawladoodba door wayn ku leh

Maalmaha News/Hargeisa

Info@maalmahanews.com

Xigasho: Foore

 

COMMENTS
Latest News