Maalmahanews.com
Hogaan Cusub oo Loo Doortay Laanta Xisbiga Kulmiye ee Great Manchester, UK iyo Magacyada Hogaanka la Doortay
February 6, 2016 - Written by admin

London(Maalmaha News):-Waxa Todobaadkan dhexdiisii oo ku beegnayd 04/02/2016 Magaalada Manchester  ka dhacay shir balaadhan oo ay iskugu yimaadeen xubnaha xisbiga KULMIYE Laantiisa Great Manchester, halkaas oo lagu doortay gudi cusub oo arrimaha xusbiga kulmiye ee laantaasi hagi doonta mudada soo socota iyo xiliga cusub.

Kulankan oo socda mudo afar cisho ah waxa ka qayb galay dhamaan taageerayaasha iyo xubnaha xisbiga ee great Munchester.

Shirkani oo ahaa mid aad u balaadhan si wayna u Agaasinaa waxa gabagabadii lagu doortay guddiga xisbiga kulmiye ee Great Munchester haggi doonta mudada soo socota taasoo xaruntoodu tahay magaalada Manchester.

magacyada gudigaasi waxay kala yihiin.

  1. Maxamed Saleebaan Sarmaan…. Gudoomiye
  2. Cabdalle Axmed Maxamed……….. Gudoomiye ku xigeen
  3. Maxamed Yuusuf Maxamed………..Xog-haynta 
  4. Mukhtaar Muxumed Bulbul ………Af-hayeen
  5. Cabdilahi Jiqidhe………………………Gudoomiyaha abaabulka iyo wacyi galinta
  6. Nuura Xuseen Food…………………….Khasnaji
Maalmaha News/London
info@maalmahanews.com

COMMENTS
Latest News