Maalmahanews.com
Somaliland: Xaaladda Abaareed oo Sababtay Dagaal ka dhex dhaca Dad iyo Daanyeerro
February 5, 2016 - Written by admin

Baki (Maalmaha News) – Mudooyinkanba ayaa xaalad abaareed waxa ay ka taagnayd deegaanada galbeedka Somaliland, taasi oo si aad ah u saameysay dadka iyo xoolaha.

Magaalada Baki oo ka tirsan gobolka Awdal, ayaa waxaa iska horimaad uu ku dhex maray boqolaal daanyeer oo soo weeraray Beeraha degmadaasi iyo dadka deegaanka oo iyaguna ka difaacayay daanyeerkaasi inuu ka waxyeeleeyo beerahooda.

Dad

Ku xigeenka duqa magaalada Baki, Dayib Xasan Raage, oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in iska horimaadkan uu dhaawac ka soo gaadhay qaar ka mid ah dadka, islamarkaana lagu laayay daanyeer tiro badan.

Daanyeer

Dagaalka Daanyeerka iyo dadka ayaa socday toddoba maalmood sida uu sheegay Dayib Xasan Raage.

Maalmaha News/Boorame office

info@maalmahanews.com

COMMENTS
Latest News