Maalmahanews.com
DAAWO:Xukuumada Somaliland oo Agaasime Layli ah u igmatay ka Hadalka Xadhiga Ganacsade Cumar Caydiida , Hanjabaad Culusna Hawda U Marisay Xisbiga Waddani
February 4, 2016 - Written by admin

 

Hargeysa(Maalmaha-News):- Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay ka hadashey  sababta xabsiga loo dhigay ganacsadaha dhisanaya tiyaatarka Magaalada Hargeysa oo lagu magacaabo Cumar Ceydiid isla markaana maalintii  saddexaad xabsiga ku jira

Agaasimaha wasaarada arimaha gudaha Somaliland Cabdifataax Siciid oo maanta warbaahinta kula hadley xarunta wasaarada arimaha gudaha waxaa uu sheegay dhulka la isku heystaa in aanu aheyn mid uu leeyahay ganacsade cumar ceydiid waxaana uu yidhi   “Arinkan tiyaatarka ama xadhiga ganacsade Cumar Ceydid runtii dalka shuruuc iyo maxkamado ayaa ka jira  waa in shuruucdaas la maraa oo aan dadkan beel ahaan loo kicin  , sida aad ogtihiin tiyaatarka waxaa la siiyey ganacsade Cumar Ceydiid   dhulkan la isku heystaana waa meel  ka gooni ah tiyaatarka  meel shuqul  ku lehna ma aha “ ayuu yidhi

Sidoo kale agaasimaha ayaa waxaa u fariin hanjabaad ah  hawda u mariyey xisbiga Waddani waxaana uu sheegay in xisbigaasi uu arintani buun buuniyey isla markaana ay gacan bir ah ku qaban doonan cid kasta oo amniga dalka khal  khal galintiisa wada waxaana uu yidhi “ Waxaan arkaayey xisbiyada mucaaridka gaar ahaana xisbiga Waddani   oo arinkaas aad u buun buuninaaya markaa  xisbiga Waddani waxaanu uga digeynaa in aanay arinkaas buun buunin  nabad galyada dalkana aanay khal  khal galin , hadii aad tahiin xisbiga Waddani  waxaa loo baahan yahay in aad umada  u soo bandhigtaan  hab siyaasadeedka aad umadan rabtaan in aad ku hogaamisaan  ilaa iminkana ma heysaan  balana waxaa naga ah in aanu gacan ku qabano cidii shacbiga u aragno in ay nabad  galyadooda khal khal ku heyso “ ayuu yidhi agaasimaha wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Cabdifataax Siciid

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

 

 

COMMENTS
Latest News