Maalmahanews.com
Somaliya Oo Beenisay War Hore Uga Soo Baxey Oo Ay Ku Xayirtey Xidhiidhkii Dhinca Cirka Ee Ka Dhexeeyey Somaliland
February 3, 2016 - Written by admin

Hargeysa(Maalmaha news-News):-   Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka ee dawlada Somaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa beeniyey inay dawlada somaliya joojisay duulimaadyadii u kala bixi jiray caasimada somaliland ee Hargeysa iyo magaalada Muqdisho.

wasiir

Photo File:- Wasiirka duulista somaliya

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka duulista somaliya ayaa sheegay in hadaladii ka soo baxay taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dalkaasi  aanay waxba ka jirin, kuwaas oo uu ku tilmaamay hadalo gaar u ahaa taliyaha isla markaana aan lagu dhaqmi doonin.

Taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha somaliya  ayaa warbixin uu dhawaan soo saaray waxa uu ku shaaciyey in marka la gaadhi 22-ka bishan aynu ku jirno la joojin doono duulimaadyadii u kala bixi jiray magaalooyinka Hargeysa iyo muqdisho.

Dhanka  kale wasiirka duulista somaliya Cali Axmed Jaamac Jangali  ayaa sheegay inaanay arintaasi waxba ka jirin, isaga oo tilmaamay inaanay arintaasi dhaafsiisnayn taliyaha waxaanu yidhi “ “Ma jiro wax duullimaad ah oo la joojiyay, balse taliyuhu wuxuu yidhi  bisha 22-ka howlo ayaa noo socda, waxaana dhici karta in la joojiyo, howshaas waa mid isaga u gaar ah, laakiinse diyaarado la joojiyay ma jiraan.”

Ugu dambeyn, Somaliland ayaa warbixin ay soo saartay ku sheeegtay in tallaabadani tahay mid u taalla Dowladda Somalia, haddii ay joojinaanna ay sii wadi doonaan duullimaadyada dhankooda.

Maalmaha News/Muqdisho

info@maalmahanews.com

COMMENTS
Latest News