Maalmahanews.com
Somaliland-ta laftigeeda ayaa markaa u baahan in Wax la iska waydiiyo, Hadii Sidii………” Cabdikariim Axmed Mooge
February 3, 2016 - Written by admin

Hargeisa-(Maalmaha News):-Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka  Somaliland Cabdikariin Axmed Mooge ayaa si ba’an uga hadlay xadhiga ganacsade Cumar Caydiid oo  maanta ciidamadu boolisku ku xidhneen magalada Hargeisa, Cabdikariin Mooge oo sida uu sheegay la socday ganacsadaha ayaa isagoo la hadlayay Tv-ga Bulsho si adag oo caadifadi ka muuqato uga hadlay arrinta ganacsade Cumar caydiid oo uu Cabdikariin wakiil uga yahay Somaliland dhinac kalena ay isku reer yihiin, cabdikariim mooge ayaa umada reer Somaliland ka codsaday iney u hiilaan cumar caydiid.

Ganacsade Cumar Caydiid ayaa xadhigiisa loo aanaynayaa muran ka taagan dhismaha parking Tiyaatarka Hargeisa.

Hoos ka daawo hadalka Ex Wasiir Cabdikariin mooge

COMMENTS
Latest News