Maalmahanews.com
Gudoomiye Muuse Biixi iyo Jaamac Shabeel Oo Maanta Xabsiga Dhexe Ku Booqday Ganacsade Cumar Caydiid
February 3, 2016 - Written by admin

Hargeysa(Maalmaha news):-Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbigaasi Jaamac Ismaaciil Cali (Shabeel) ayaa maanta booqasho ugu tagay ganacsade cumar Caydiid oo shalay ciidamada amaanku xabsiga dhigeen.

SHABEELKAN(1)
Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cali(Jaamac Shabeel) ayaa faah faahin ka bixiyey booqashada ay ugu tageen ganacsade Cumar Caydiid, waxaanu sheegay inay dhamaynayaan xadhigiisa waxaanu yidhi “Waxaanu soo booqanay aniga iyo gudoomiyaha Kulmiye maxbuuska ganacsade Cumar Caydiid, arintana waa la galayaa waana la dhamaynayaa wax dhib ahina ma jirto, nabad galyaduna waa jam jam, hawshana waanu dhamaynaynaa.”

Jamaac Shabeel oo warbaahintu su,aalo ka waydiisay xadhiga ganacsade Cumar

Caydiid ayaa si kooban ugu jawaabay inay ku jiraan arinta xadhiga keentay isla markaana ay dhamaynayaan.

Maalmaha News/Hargeisa office

info@maalmahanews.com

maalmahanewsnetwork@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News