Maalmahanews.com
DAAWO QISO CAJIIBA: Waxay Saddex Sano Ka Dib la Kulantay Gabadhii yarayd ee ay ugu Deeqday WADNIHII wiilkeedii geeriyooday.
February 3, 2016 - Written by admin

Arizona USA- (Maalmaha News):-Heather Clark Wiilkeedii Lukas wuxuu ka dhintay sanadkii 2013 kii isagoo xiligaa 7 bilood jir ah, waxaanay haweenaydani go’aan satay inay wadnihii wiilkeeda dhintay ay ku sadaqaysato inantan yare e Jordan oo xiligaasi ahayd 18 bilood jir, isla markaana u baahnayd in wadnaha loo bedelo si ay u sii noolaan karto.
Hada ayay mar kale kulmeen Heather Clark iyo gabadhii yarayd ee ay wadnaha wiilkeeda ku sadaqaysatay ee Jordan Drake oo hada 4 jir ah isla markaana caafimaad qabta oo ay la socoto hooyadeed Esther Gonzalez.
Heather Clark waxay soo qaadatay qalabka ay dhakhtaradu ku dhegaystaan garaaca wadnaha si ay u dhegaysato, wadnaha wiilkeedii dhintay ee Lukas oo ku dhex nool gabadha yare e Jordan, kadib way dhegaysatay waanay maqashay sida uu u bood boodayo kadibna dareenkeedu sidan ayuu isku bedelay iyada oo laabta galinaysa Jordan.

HOOS KA DAAWO

COMMENTS
Latest News