Maalmahanews.com
War Deg Deg ah: Xukuumada Somaliland oo Ganacsade Cumar Caydiid Xabsiga dhigtay
February 2, 2016 - Written by admin

Hargeisa-(Maalmaha News):- Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Mudane CALI MAXAMED (warancade) ayaa dhaweyd amar buuxa ku siiyey Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland C/laahi Iimaan Fadal inuu xabsiga u taxaabo ganacsade CUMAR CAYDIID.

Ganacsaha ayaa laga soo qabtay aqalkiisa magaalada Hargeisa kaasoo iyadoo wax waaran qabasho ah aan loo gaynin ay ciidanka Boolisku xabsiga u taxaabeen, isla markaan wakhtigan ku xidhan saldhiga degamada ibraahin koodbuur ee magaalada Hargeisa.

Xadhiga ganacsadahan ayaa ka dhashay ka dib markii ganacsadaha iyo xukuumadu isku maan dhaafeen barxada baabuurta la dhigto (parking) ee tiyaartarka magaalada Hargeisa kaas oo sida la og yahay ganacsade Cumar caydiid maalin galin badan ku bixiyey isagoo ka dhigay tiyaartar heer caalami ah iyadoo dhismihiisu mudo sanado ah uu socday.

wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Maalmahanews.com

Maalmaha News/Hargeisa office

info@maalmahanews.com

COMMENTS
Latest News