Maalmahanews.com
Sawirkii Aan Neefka Geela Ah Ku Waraabinaayey Muu Aheyn Mid Aanu Muuse Biixi Ugu Jawaabayey “..Gudoomiye Ciro
February 2, 2016 - Written by admin

Hargeysa(Maalmaha News):- Gudoomiyaha golaha wakiilad Somaliland isla markaana ah  gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan  Ciro waxa uu ka hadley mar ay waraabhintu waydiisay sawir ka soo dhex muuqdey safarkii uu ku maraayey gobalka togdheer .

wew

Gudoomiye Ciro Oo Neef Geel Ah Waraabinaanaya

 

Sawirkanoo ahaa mid uu neef geel ah biyo ku waraabinaayey  isla markaana bulshadu siyaabo kala duwan u fasiratey  ayaa waxaa uu sheegay in  u jeedka ama  sawirkani  uu yimid ka dib markii uu isaga oo safar ku jira uu la kulmey geel meel ka cabaya balse aanu aheyn mid uu cid gaar ah ugu jawaabayo waxaana uu yidhi ”  Anigu  geel meel maraya ayaan la kulmey  geela leyma sii qorsheyn in aan meesha kula kulmo lakiin si kadis ah baan kula kulmey geel la waraabinaayo , barigii  ayaan yaraa mar mar   ayaan geela waraabin jiray  markaas dawliska uun baan yara qabtey lakiin  muuse ugumaan jawaabeen” ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro

Maalmaha News/ Hargeisa

COMMENTS
Latest News