Maalmahanews.com
HINAASE
February 1, 2016 - Written by admin

Sidii ay jaamacadda u dhammaysayba muuqeedii wuu isbeddelay, waxa ay u ekaatay marwo, labiskeedii iyo socodkeediibaa isbeddelay ama iyadaa badeshay mise waqtigaa badelay, waa hadalada ay asxaabteeda iyo macaarifteeduba dhagta isku saaraan. Iyada lafteedu waa ay is dareensantahay in markii uu Haybe nolosheeda ku soo biirayba ay laydh qabaw badani u soo gashay. Ceebla sannad ka hor ayay dhamaysay jaamacadda, waxa ay is barteen oo wada haasaawaan Haybe oo aan qudhiisu wax badan ka waynayn balse shaqaysta oo ganacsade ah.

Sheeko iyo haasaawe waqti kooban qaatay kadib guri bay yagleeleen, nin iyo naagtii ayay isku noqdeen. Ilaahay waxa uu ku arsaaqay laba ubad ah, waa wiil iyo gabadh. Sida magiciisaba laga dhadhansan karo Haybe, waxa ay dadku ku tilmaamaan nin ilaahay haybad u dhaliyay, bulshaawi dad jecel oo farxaan ah. Rag iyo dumarba way jeclaystaan la kulankiisa, sheekadiisa iyo bariidadiisaba, isna salaanta  lama dhaafo jaalka iyo jaarkiisaba. Ceebli markii ay umushay ilmaha labaadba waxa ku dhashay shaki ay ka qabto Haybe. Warwarka iyo waalalawga ayaa ku batay cunno hagaagsan ma cunto aroortiina hurdada kama kacdo, wax uun baa ku leh uu kula guursaday ama uu kala guursanayaa !.

Dabeecadiisa furfuran iyo dhaqankiisa dadku jecelyihiin ayaa shakiga ku xoojiya, labiska badan is cadarinta iyo safarada ganacsi ee uu baxaana cirka ayay ku sii shareeraan xiisadeeda, waxaaba la tusaa gabadh iyo ubad kale oo meel kale u degan. Hinaase ayay cirkaa gaadhaa mar mar ka qaar waxay ku kaliftaa in dumarka isaga xigtadiisa ah ee isaga waydiiya in ay u muujiso waji xumo iyo nacayb. Sidaas oo ay tahay haddana isaga maalin kaliya umay muujin wax cadho ah, dhoollacadayn iyo hadal macaan ayay ku qaabishaa markuu guriga yimaado, markuu baxana ciil iyo cadho ayay is cun cuntaa oo dabinta qaniintaa. Isaga Hooyadii may iman jirin aqalkiisa oo iyada goortii uu guursadayba way ka gaabsatay iyada oo aan marka horeba guurkaa ku faraxsanayn oo kula talisay inuu naagtan  iska daayo lakiin taladaa maalintaa muu qaadan.

Maanta waa tan suuqa ka soo dukaamaysatay alaab badan ayay wadataa, badh kalena gaadhi-gacan (Kaaryoone) ayaa loogu wadaa. Aayar bay daba luudaysaa ninka. ‘’Naa Salaama Calee’’ dhulkii ay ku maqnayd iyo fikirkii la fogaadey ayay si degdeg ah uga soo noqotay sidii qof biyo qabaw lagu shubay oo kale, dhankii ay hadalka ka filaysay ayay jaleecday mise waa saaxiibadeed ‘’ Calaykum-masalaam walaal Cambaro’’ ayay tidhi intay qosol yar ku dhufatay, halkiibaa wadada badhtankeedii sheeko dheer la qabsaday.  Cambaro hinaasaha iyo shakiga ay ka qabto saaxiibadeed ninkeeda, xan ayay ku maqashay oo wa ay ka dharagsanayd warkeeda, balse waxay doonaysaa inay iyada afkeega ka maqasho.

‘’Naa walaal, waadigan arag xumaadee maxaa ku helay ?

‘’Naa waxba ima helin walaal, waanu barwaaqaysanahay’’

‘’ Saaxiibeey, wax ii sheegoo Odeygaagiina iiga warran ‘’

‘’Iga daa magiciisa la waaga kaa ha igu soo qaadine’’

‘’Sheeko! Oo maxaa jira, ee aad kala kulantay’’

‘’Saaxiib ninkani Naago kale ayuu qabaa, haddii aanu qabina wuu ku socsocdaa, in muddo ahna waan ku dabo jiray walina wax cad  kuma arag, ee xal ma haysaa ‘’

‘’koley nin sidiisa lacag leh oo u qurxoon, hadduu naago daayo iyagaan daynaynba, Islaantii Xadiyo bal maka war doonaa iyadaa wax walba inoo bayaamin oo hadaad doontana adiga kuu xidhxidhiye’’

‘’Aleylehe, hadda ayaad ila fahantay, ismaan lahayn Cambaraa ku fahmi doonta kkkkk’’

‘’kkkkk, ii dhiib gacanta saaxiib, Raggu aaminaad malaha, kaa aanu wada joognana ku daroo’’.

‘’ Wallee, dee isna hawshiisa ma galnaa ?

‘’Maya maya saaxiib ogor ah, kan foolxumadiisa iyo jeeb xumadiisaba anaa ku ajar doonanaya, ismana lihi naag kalaa hungureyn doonta amaba yeeli doonta’’

Ceebla iyo Cambaro, waa kuwan caawa gaadhi cad oo ay soo kireysteen  wata, hawshiina sidii ay ugu talagaleen u soo dhammeeyay. Qosol iyo raynrayn ayaa ka muuqata casho iyo cabitaanana waala sitaa.

Waxa la gaadhay amintii uu gigada diyaaradaha  sii tagi lahaa, halkaas oo uga duuli doono safar ganacsi oo uu baryahaaba hadal hayay.  Aqalkiisa ayuu ka sii amba-baxayaa. Waa kan qolka hurdada muraayada kabadhka hor taagan ee kolba suudh intuu xidho leh ‘’Xabiibi kana kawarran’’ iyaduna waa tan calool xumo la ag joogta ee laalaabaysa dhar bil ka hor la maydhay oo meelahan ku silicsanaa, dhankiisa iyada oon soo eegin ayay ugu hal celinaysaa  ‘’Ish kan iska daa kuma soo baxaysid macaane’’ hadaladeeda kaftan ayuu u haystaa war uma hayo waxa ka dhex guuxaya maankeeda, dabka ka holcaya qalbigeeda iyo jabka ay la maagantahay midna. Daarada guriga oo uu gaadhigiisu yaalay ayuu u baxay isagoo laalaadsanaya shandad yar oo dhawr kol xidhad ugu jiraan. Daaqada qolka ee dhanka dibeda xigta ayay ka sii eegaysaa bal inay dumarkii jaarku meelahaa ka arkayaan iyo in kale. Gaadhigii kolkuu dabada jeediyay ayay hoosta  ka tidhi ‘’Waad arki doontaa hadaan dhaandhaan kaa dhigi waayee…..anigiibu ileeyahay shaqaan u baxayaa….haddii uu alaab u baahanyahay miyuu awalba kuwii u soo diri jiray u dirto, mida kale haddii uu hore u soo noqonayo waxan oo dhar ah xaggee ayuu gaynayaa !.

Laba todobaad kadib ayuu soo noqday Haybe isaga oon muuqiisu fiicnayn, oo hadal iyo hugun toona lahayn, habeen iyo maalin waa u jiifid aan nasashana ahayn xanuuna ahayn. Salaadihii uu wadarta la tukan jiray wuu joojiyay, ganacsigiisiina adaaba sheegaya warba uma hayo, waa la is waydiiyay ninkii miyaanu wali iman ? iyo haddii uu yimid maxaa loo arki waayay ? Mise ninku xanuun buu la jiifaa, ehel iyo asxaab uu lahaa ayaa isku dayay inay guriga ku soo booqdaan balse looma ogolaan oo xaaskiisa ayaa u sheegtay in aanu rabin inuu la kulmo cidna oo uu nasasho ku jiro, telefan iyo fariimo kale ayaa lagala daalay balse telefankiisiina xaaskiisa ayuu duluca ugu jiraa. Muddo ayuu ninkii xabsi guri ku jiray oo aanay cidi indhaha saarin imikana waxaaba la sheegaa inay reerkii u rartay xaafad kale. Halka hantidoodii iyo aqalkay lahaayeen ba loo la wareegay deyman badan oo lagu yeeshay dartood.

Saddex bilood kadib gurigii ay deggeen waa laga soo eryay oo alaabtoodii dibada ayaa loogu daadiyay, markii ay  tahli waayeen in ay bixiyaan lacagihii kirada guriga oo dhawr bilood lagu yeeshay. Marwadii Ceebla ee dahabku meel walba ka sudhnaa ee aan cagaheedu dhulka taaban jirin saaka waa tan hor kambadhuudha guri yar oo ka samaysan baco iyo kartoomo aan roobka xoogan iyo dhaxanta daran midna celinayn iyada oo madoobaatay oo basaastay waliba lafo isa sudhana noqotay. Waxa ay ku noolyihiin iyada iyo caruurteedii oo boodhwayn doofkuna ka da’ayo  buul kaas yare ee waliba ku yaala mid kamida xaafadaha dadka qaxoontiga ahi degganyihiin.

Isagiina isagoo feedho qaawan nigis yarna xidhan ayuu wadooyinka iyo suuqyada magaalada hadba dhan u cararaa.  Qofkii yaqaanay intuu sidaa u eego ayuu qarracmaa oo muraayadda qalbigu si’ noqotaa, dabadeedna uu habaaraa oo haaraamaa wixii ninkaa sidaa u galay iyo wixii ka caawiyayba.

Haa uu waashay oo waa kaas maanta ku biiray dadka qalinka laga kor qaaday, maya’e hooyo dharaartii uu qumayadaa u geed fadhiistayba  khayr iima muuqan, balaayo ayay la salag salag lahayd, waataa noloshiisii qalinka ka rogtay. Isna fudayd iyo madax adayg ayaa noloshiisii baab’iyay’’ waa hadalada ay Hooyadii kaga warceliso waydiimaha laga waydiiyo inankeeda.

W/Q: Maxamed-shaakir Siciid (Shaakir)

COMMENTS
Latest News