Maalmahanews.com
Hargeysa Oo Laga Tukadey Salaada Roob Doonta
February 1, 2016 - Written by admin

Hargeysa (Maalmaha-News):- Magaaladda Hargaysa ee Caasimada Somaliland Ee Degmooyinka Ku Hareeraysay Ayaa Maanta Si Balaadhan looga Oogay Tukada Salaada Roob Doonta Ee Madaxwaynaha Somaliland Bulshada ugu baaqay in Ay Siwayn uga qayb qataan ale ku baryaan inuu Abaaraha Dabada Dheraada Ka Soo Jabiyo.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Salaadan roob doonta ah waxa laga tukada masaajidada waawayn ee dalka,halka bulshada qaarna iskugu soo baxeen Fagaarayaasha si ay ilaahay u waydiistaan Danbi dhaaf iyo inuu roob u keeno.

Culimada dalka ayaa bulshada ugu baaqay in ay yareeyaan Macaasida badiyaan ale ka Cabsiga si ay u gadhaan Naxariista allaah,waxaana ay dadka ugu baaqeen in ay isa saamaxaan.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylaci ayaa bulshada ku dhaqan Magaalada hargaysa kula oogay Salaada Tukada Roob Doonta ah,waxaana uu ugu baaqay in ay bulshadu noqdaan qaar is jecel dhexdooda ka fogeeyaan khilaafka.

“Abaaro adag ayaa wakhtiga inagu habsaday,roobkii ayaa inaga raagay,maanta halkan waxa aynu iskugu nimid in aynu ilaahay gacmaha hoos dhigano si aynu uga baxno dhibaatadda ka taagan dalka rabina inoogu keeno roobka,duunyadii iyo dadkiiba way halaagsameen,waxaana ay dhexda u xidheen abaarahan adag,xoolihii gabaabsi ayay ku dhaw yihiin,markaas ilaahay haynaga soo furto.

Abaaraha ka taagan Somaliland ayaa saamayn adag ku yeeshay bulshada ku dhaqan miyiga ee ah reer guuraaga,waxaana ay abaartani teedsan tahay bari ilaa galbeed,waqooyi ilaa hawd,waxaana ay bulshada iyaga oo quluubtoodu qushuucsan tahay fulinayana in ay xaga illaahay u noqdaan Tukada salaada roob doonta ah.

Maalmaha news/Hargeysa Office

info@maalmahanews.com

maalmahanewsnetwork@gmail.com

COMMENTS
Latest News