Maalmahanews.com
Hargeysa :- Munaasibad Oo Loo Qabtey Maalintii Hub Ka Dhigista Ciidamadii SNM Oo Wajiyo Siyaada Ku Kala Fog Kulmisay +( Sawiro Qurxoon)
February 1, 2016 - Written by admin

Hargeysa(Maalmaha News):- waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu qabtey xus loo sameeyey maalintii ciidmadii ugu horeeyey ee SNM ay hubkoodii dawlada ku wareejiyeen oo ku beegneed 01.02.1994kii .

1

Munaasibadan xuska ah oo ka dhacdey hotel Ambasadoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad u badan Mujaahidiintii SNM iyo masuulyiin kale

Sidoo kale munaasibadan ayaa waxaa ay kulmisay siyaasiyiin ku kala fogaadey arigtidooda siyaasiga ah

2

Munaasibadan oo ay dadkii ka hadley waxaa ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenkii wakhtigii hub ka dhigistaasi la sameyey Muj.Cabdiraxmaan Aw Cali , Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi , Muj.Boobe Yuusuf Ducaale , Muj.Cali Guray , Muj.Dhego Weyne , Mujaahidad Sahra Halgan , Ex Wasiir Xirsi , Gudoomiye Ciro , Suldaan Maxamed Sul.Cabdiqaadir , Sul. Xiiray iyo masuulyiin kale

3

Dhamaan Masuulyiintani waxaa ay ku nuux nuuxsaden ahmida ay maalintani u leedahay qaranka Somaliland waxaana ay suldaankii hub ka dhigistaasi hor Kacaayey Suldaan Maxamed Suldaan Faraax iyo madaxweynihii wakhtigaasi Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal u baryeen in alleh u naxariisto janadii fardowsana ka waraabiyo isla markaana tacabkii ay wakhtigaasi beeren maanta ay somaliland hadhsaneyo

4

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhinca kale Mujaahidintan goobta ka hadley waxaa ay dadkii munaasibada joogey ay soo xasuusiyiin halgankii qadhaadha ee ay dalka u soo mareen

5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 50

 

 

 

 

 

 

Xigasho: ilaysnews

COMMENTS
Latest News