Maalmahanews.com
Buuhoodle Kaashmiir Ma Aha, Cali Khaliif Iyo Xaglo-Toosiye-Na Haka Baxaan Oo Dadka Culayska Haka Qaadaan…..”Garaad Maxamed Garaad Saleebaan
February 1, 2016 - Written by admin

Hargeysa:(Maalmaha News)-Garaad Maxamed Garaad Saleebaan oo kamid ah isimida gobolka Buuhoodle, ayaa si weyn uga digay in colaad laga huriyo deegaankaas, waxana uu baaq u diray siyaasiyiinta kala aragtida ah ee halkaas ku hirdaya.garo

Garaad Maxamed oo maalintii shalay warbaahinta la hadlay, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal dhiilaysan oo dhawaan kasoo yeedhay Cali Khaliif, waxana uu tilmaamay in arrintaasi nasiib darro ku tahay shacabka halkaas ku dhaqan,“deegaanka buuhoodle waad ogtihiin oo indhaweyd waxa ku hirdamayey siyaasiyiin kala aragti ah, hore arrintaas ugama aanu hadal, laakiin warkii Cali Khaliif kasoo baxay mid laga aamusi karo ma aha, Hore waad u ogaydeen oo deegaanka Buuhoodle dagaallo ayaa ka dhacay dad badani ku dhinteen, qaar kalena ku dhaawacmeen, arrintaasina way taagan tahay, waxase nasiib darro ah inuu Cali Khaliif mar dambe arrintii oo kale iclaamiyo isagoo aan tii hore waxba ka tarin, tan dambe inuu wax ka tari doonana filimaayo.”ayuu yidhi garaad Maxamed Garaad Saleebaan.

Garaadku waxa uu baaq Culus u diray Siyaasiyiinta deegaankaas ku cartamaya, waxana uu usoo jeediyey inaan colaad hor leh loo horseedin shacabka ka arradan dhinacyada kala duwan ee horumarinta, waxana uu yidhi,“waxan ku baaqayaa inay dadku caqli yeeshaan oo xasuustaan wixii shalay oo ay ka taxadaraan in wixii oo kale markale ay dhacaan, meeshuna Kaashmiir ma aha, haddii ay Cali Khaliif tahay iyo haddii ay Somaliland tahayba waxan ka codsanayaa in dadkaas masaakiinta ah culayska laga dhex qaado oo wasiir Xaglo-toosiye iyo Cali Khaliif ka baxaan.”

Garaad Maxamed, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in lagu dhex hirdamo shacab aan colaadu dan u ahayn oo walaalo ah, waxana uu xusay in dhinacyada is haya looga baahan yahay inay danta shacabka eegaan oo ay tooda meel iska dhigaan.

Dhawaan ayey ahayd markii uu Cali Khaliif iclaamiyey inaanu marnaba ka baxaynin deegaankaas oo uu sidoo kale ku sugan yahay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Xaglo-toosiye, waxana haatan la filayaa in labadan siyaasi uu midkood goobta ku hadhi doono.

Maalamaha News/Hargeisa office

Info@maalmahanews.com

maalmahanewsnetwork@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News