Maalmahanews.com
Natiijada Kulan Madaxwayne Siilaanyo la yeeshay Cullimada Somaliland
January 31, 2016 - Written by admin

Hargeysa(Maalmaha News)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan la yeeshay Qaar kamida Cullimada Dalka.
Ujeedada kulankan madaxwaynuhu la yeeshay Cullimada ayaa ahaa sidii Cullimadu shacabka ugu baraarujin laheyd salaad roob doon ah oo madaxwayne Siilaanyo Iclaamiyey maalinta Isniinta ee 1, February 2016.
Madaxwayne Siilaanyo oo Cullimada la hadlaya waxaa uu yidhi
“Maadama aynu nahay ummad muslin ah marka uu sidan oo kale Roobku Dib u dhaco Abaartuna Adkaato Raxmadduna raagto waxaa rasuulka suubani CSW uu tukan jiray salaadda roobdoonta, sida awgeed inagoo raacayna Sunnaha Rasuulkeena CSW waxaan farayaa dhammaan ummadda reer Somaliland in ay Alla ka cabsadaan oo ay u toobad keenaan isna saamaxaan kana qayb galaan salaadda roob doonta oo ka dhici doonta dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo ay Tukadaan Salaadda Roobdoonta maalinta isniinta ee 1da bisha February 2016ka kuna Beegan 22ka Bisha Rabiicaltani ee 1437ka Hijriya. Saacaddu marka ay tahay 8:30 Siddeedda subaxnimo, taasi oo ka dhici doonta Goobihii lagu tukan jiray Saaladda Ciidda haddii ay tahay Garoomo ama masaajiddo, salaadda roobdoontu Waa sunnihii nabegeena suuban SCW marka sidan oo kale uu Roobku inagu yaraado ama ay Abaartu adkaato.
Walaalayaal Waxa loo baahanyahay in lagu dadaalo Soonka iyo Alla ka cabsiga iyo toobad keen ilaahay loogu noqonayo oo dunuubta laga soo noqonayo Maalmahan ka horreysa tukashada Salaadda Roobdoonta islmarkaana Ciddii Dulmi cid kale ka gashayna looga baahanyahay in ay cafis dalbaan iskana celiyaan dulmiga islamarkaana wanaagga la is faro Xumahana la iska reebo waxaana habboon in gacmaha la is qabsado oo la is taakuleeyo oo qof waliba qofka kale uu caawiyo laguna sadaqaysto dadka tabaalaysan ee miyi iyo magaalaba jooga maanta waa maalintii loo baahnaa iskaalmaynta iyo iska warqabka ee jaarka haddii ay tahay qoyskaaga ama qaraabadaada wixii aad ku dhaanto aad ku caawin lahayd sadaqaduna waa ta aynu naxriista alle ku helayno. Alla waxa uu yidhi marka aad isu naxriisataan ayaan aniguna idiin naxariisanayaa.”
Waa markii labaad ee madaxwayne Siilaanyo kulan la yeesho Cullimada dalka mudadii lixda sano aheyd ee uu xilka hayay.

Maalmaha News/Hargeisa office

info@maalmahanews.com

maalmahanewsnetwork@gmail.com

COMMENTS
Latest News