Maalmahanews.com
Horta madaxweyne waa kee?
January 31, 2016 - Written by admin

Waxa Faransiiska lagu soo dhoweeyay madaxweynaha Eeraan Ruuxaani. Ninkaasi waa wadaad la yaab leh. Markii uu kursiga u tartamayay wuxuu ahaa ninkii taageerada ugu badan ka helay dhallinyarada iyo isbeddel-doonka. Dad badan baa lahaa wadaad weeye oo wax ba ma beddelayo.

Kii isaga ka horreeyay ee reer Najaad(Axmediinajaad) wuxuu ahaa nin dhako madhan sita. Soomaali badan ayaan ka maqlay waa fariid, wuxuu caayi jiray dawladaha ay siyaasadda isku hayaan, wuu faan badnaa, wuxuu odhan jiray Yuhuudda waxaannu ka masaxaynaa adduunka guudkiisa.

Wuxuu Axmed asxaab la ahaa ragga ay isku maskaxda yihiin. Ninkii Liibiya ku dul kaaji jiray ayaa isna sidaas u qafqaf iyo faan badnaa. Berigii aan yaraa ee Afrika joogay waxaan Qadaafi iyo Siyaad Barre iyo noocoodaas u aqaannay fariiddo xiniinyo rag shidayaan. Marka uu Qadaafi la tirsado Reygankii Maraykan waxaan odhan jiray “waar nink libaaxsanaa” Odaygaas dayuuska ahaa ee Reygan ayaa Qadaafi ku dhejiyay naanays ay saxaafadda reer galbeedku la daga galeen oo ahayd Eygii Waallaa. Mar la weydiiyay Qadaafi waxaas Reygan ku naanaysay ayuu yidhi “oo maxaan ka la hadlaa waa jilaaye, xitaa jilaa safka hore ah maaha” buu yidhi “waa safka labaad ama saddexaad” Alla maxaan erayadaas u bogay oo Qadaafi ku jeclaaday.

Iidi Amiin baa Hindidii soo daadiyay baan ka mabsuuday, nin rag ah oo dalkiisii difaacaya oo dhiigmiiratadii debedda kaga timi ka celinaya ayaan ku macnaystay. Waagaas xitaa Nikoloy Jesesko kii Roomaaniya dhiigga ka cabbi jiray iyo dhiggiisa waxaan u aqaannay madaxweynayaal.

Maalin dhowayd oo aan sii fogayn dawladda itaalka daran ee Xamar lagu ilaaliyo ninka haystaa waa kii safaaraddii Eeraan eryay ee ku macneeyay inay Sucuudiga barakaysan ka cadhaysiiyeen. Dhawr maalmood go’aankaas ka dib ayaa odayga Somaliland haystaa na yidhi annagu na raalli ka ma nihin waxa Eeraan waddo oo waxaannu raacsan nahay Sucuudiga. Wax yar ka dib ayaa warar soo baxeen sheegaya in Sucuudigu ninka Xasan Shiikh la yidhaahdo u laabay konton malyuun oo doollar, labaatan naqad ah iyo soddon badeecado iyo buuri loogu keeni doono.

Waxa xiiso leh in aan odayga Siilaanyo wax loo laabay jirin inkasta oo uu go’aanka Xasan mid la mid ah qaatay.

Waa sheekadii madaxweynayaashee ninkii Ruuxaani ee beddelay yarkii Axmed ee fadhfadha miidhan ahaa wuxuu noqday hodaar laga yaabay.

Ruuxaani markii ba wuxuu u dhaqaaqay inuu daweeyo cudurkii Eeraan ragaadiyay tan iyo 1979kii. Cudurkaasi wuxuu ahaa madaxweyne doobtiisa dheer mooda waxtar. Hanjebaadda iyo qafqaftu in aanay xal ka keenin dhaqaalaxumo, cudurro iyo lacag la’aan ayuu fahmay. Goljilicdii Eeraan la la hiishaday ee cunaqabataynta laciifisay dalkii oo dhan looga qiil dhigtay ayuu xalkeedii raadiyay. Waa ta cadowgii Eeraan ee ka mabsuudi jiray doobta Axmediinajaad qaylada miciinsadeen.

Ninka dhiigga carruurta reer Falastiin doorashooyinka ku foosa ee Natanyaahu ayaa ugu darnaa. Isaga oo maagaya wadaadka Ruuxaani oo doonaya inuu reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, ku diro ayuu yidhi; “ninkani nabad wade maaha, waa Yey dhogor Laxeed soo gashaday”.

Ninkii Ruuxaani wuxuu maanta Baariis la dhex taxtaxaashinayay madaxweynenimo maskax iyo ragannimo keentay. Waxa la leeyahay afar boqol oo dayuuradood ayaa sharikadda dayuuradaha ee Eeraan u baahan tahay siddeedda sannadood ee soo socda. Sharikadaha Airbus iyo Boeng ayaa ka la jiidanaya qandaraaskaas. Intaas oo keli ah maaha. Ruuxaani wuxuu badbaadiyay saldhiggii aqoonta Fiisigiska ee Eeraan. Wakhtigii ragga xiniinyaha ku faanaa meesha haysteen ee doobta loo fili jiray ragannimada waxa magaalooyinka Eeraan lagu dhex layn jiray saynisyahannadooda. Maanta wuxuu yidhi bamka aad sheegaysaan yaa wax ku falaya? Kamarado ku soo xidha xarumaha Nukliyeerka laakiin cilmibaadhista iyo dhanka daawada waa noo fasax. Marxabba iyo ganacsi la la hoos cararo ayaa loogu abaalguday.

Waxa maanta Eeraan u ka la dheeraynaya dawladihii shalay lahaa waa mindhicirka argagixisada caalamku ku korto.

Beri dhexdaas ah waxaan daawaday warbixin ku saabsan dad Hindi ah oo dib ugu laabtay Yugaandha. Dadkaasi ganacsi waaweyn ayay dalkaas ku lahaan jireen. Dawladda Musafeeni ayaa gadhka iyo gondaha qabsatay dadkaas oo ku lahayd ku soo noqda dalkiinnii oo maalgashada.

Waxa la yidhi haddii aanad labaatan jirka ku noqon kacaan wade baas oo isbeddelka iyo dunida oo la rogo jecel, afartan jirka na aanad ku noqon muxaafad neceb qulubaageddiga iyo wixii isbeddel wada noloshaada adduunku waa khasaare.

Raggaas jaanjaamiinta ahaa ee berigii aan yaraa ii ahaa halbeegga madaxtinnimada iyo horumarku show dhallinyaranimo ayay igu heleen ee abdo ma lahayn. Qadaafi, Mingiste, Iidi, Siyaad, Saddaam, Axmediinajaad iyo noocaas tookhooda maykarafoonnadu ka cabsan jireen madaxtinnimada waa ku gefeen, raadkooda ayaa na ii markhaati ah.

Ninka sidaas Ruuxaani arkaya dantiisa, eegaya himilada ummaddiisa sidaas na ku raraya geeddiga ayaa show madaxweyne ah.

CABDILAHI CAWAD CIGE
Livepoor UK

COMMENTS
Latest News