Maalmahanews.com
Hor dhaca Magacyada Sida wayn loo Hadal hayo iney Ku Jiraan Isku-shaandhayn Balaadhan oo Miiska u Saaran Madaxweyne Axmed Siilaanyo
January 29, 2016 - Written by admin

Xogo Cusub Oo Tibaaxay Wasaaradda Uu Siyaasi Cabdilaahi Darawal Rarka Dhigan Doono Iyo Magacyada Wasiirro La Filayo In Isku Shaandhayntaasi Saamayso

Hargeysa (Maalmaha news)- Iyada oo maalmihii ugu dambeeyey si weyn loo hadal hayay Isku-shaandhayn baaxad weyn oo Madaxtooyada Somaliland ku samayn doonto Golaha Xukuumadda ayay soo baxayaan warar hordhac ah oo aan wali soo shaac bixin oo tibaaxaya Magacyo dhawr ah oo durba soo galay saaxadda hadal haynta Isku-shaandhaynta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sannadkeeda ugu dambeeya cimri-xileedkeeda taasoo noqon doonta xukuumadda inta badan dadka siyaasadda faalleeyaa ku tilmaamaan xukuumaddii Kaambaynka iyo siyaasadda. Sababta sidan dadka qaar u yidhaahdaana tahay si xubnaha xukuumaddaasi ugu dambaysa muddo xileedkeeda ka mid noqdaa la rabo sida ay uga qayb qaadato xaaladda siyaasadeed iyo wadciga dalka.
Magacyada saacadihii ugu dambeeyey ku wareegayay saaxadda falanqaynta dadka xog-ogaalka ah ee u dhuun daloola qasriga Madaxtooyadu waxa ay muujinaysaa badal la filayo in lagu sameeyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo la saadaalinayo in uu isagu u wareegi doono Wasaarad kale oo aan shaqada laga caydhin doonin balse aan la ogayn goobta loo badali doono iyada oo si weyn loo saadaalinayo Siyaasi Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) in loo magacaabayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.
Masuuliyiinta shaashadda soo galay ee la sheegay in xilka laga qaadi doono waxa ka mid ah sida ilo xog-ogaal ahi wargeyska Foore u sheegeen Wasiir Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse) oo la filayo in uu ka mid noqon doono xubnaha ay saamaynayso isku-shaandhaynta la filayo saacadaha ama maalmaha kooban ee soo socda halka ay sheegayaan in ay isku shaandhayntaasi saamayn doonto Wasaaradda Warfaafinta Somaliland iyada oo aan la ogayn in meel kale loo wareejin doono Wasiir Cukuse iyo shaqada laga ruqsayn doono. Wasiir Cali Maxamed Warancadde ayaa hannaankiisa shaqo laga dareemayey maalmihii ugu dambeeyey baddal lagu samayn doono iyada oo ay warar hoose tibaaxayaan in Madaxtooyada ay buux dhaafiyeen codsiyo iyo kaambayno loogu jiro door ka qaadashada isku shaandhaynta ballaadhan ee Madaxweynuhu soo wado oo la filayo in ay noqoto mid aad u ballaadhan oo galaafan doonta masuuliyiin badan halka Wasiirro badan la filayo in wasaarado kale loo badalo.
Ninka sida weyn loogu saadaalinayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal) ayaa ah masuul muddo dheer ku soo dhex jiray saaxadda Golaha Wasiirrada Somaliland ee xukuumadihii kala dambeeyey kana mid ahaa saraakiishii Ururkii SNM. Waxa kaloo la filayaa in isku shaandhayntaasi sidoo kale hayb ahaan u saamayn karto saraakiil sarsare oo xilal sare ka haya Ciidamada iyo waliba hay’adaha kale ee qaranka.
Xigasho
Foore

COMMENTS
Latest News