Maalmahanews.com
Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Uu Gabo Gabo Maraayo Wada Hadal U Socdey Isbaheysiga Kumiye , Beeniyeyna In Muj Boobe Yuusuf Ducaale Xisbigaasi Ka Baxaayo
January 28, 2016 - Written by admin

Hargeysa(Maalmaha-news):- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu markii ugu horeysay shaaciyey wada hadal la sheegay in ay kula jiraan isbaheysiga xisbiga Kulmiye.

Afhayeenka Xisbigaasi xildhibaab Ibraahim Mahdi Buubaa Oo khadka telephoneka kula hadley telefishanka Star waxaa uu sheegay in uu meel wacan maraayo wada hadalka u socda xisbiga Waddani iyo isbaheysiga xisbiga Kulmiye

“horaba isbaheysiga wada hadal waa uu noo socdey hadana gabo gabo ayuu ku dhaw yahay ma jeclin in aanu ka hor dhacno lakiin dhawaan insha alleh waxaa aanu jecel nahay go,aamadu marka ay soo baxaan in aanu si rasami ah bulshada ugu shaacino oo aanu u soo bandhigno” ayuu yidhi xildhibaan Buubaa

Sidoo kale xildhibaan Buubaa ayaa waxaa uu beeniyey warar sheegay in xoghayha warfaafinta xisbigaasi Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale damacsan yahay in uu xisbiga ka huleelo

“waxaasi waxba kama jiraan waa buro bogaando dacaayad raqiis ah waxaana soo saaray saxaafada xidhiidhka la leh hadhaaga xisbiga Kulmiye dadkuna waa ay yaqaanan si wacan waa ay uga dheregsan yahiin”

Dhinca kale xidhibaanku waxaa uu sheegay in aanu jirin wax khilaaf gaar ah oo soo kala dhex galay isaga iyo Boobe

“wax khilaaf ah oo na soo kala dhex galay aniga iyo xoghayaha ma Jiro niman saxiib ah   baanu nahay Boobe dhanka kale maclin baaba uu iiga yahay markaa ninkan odeyga ah nin ay wax na dhex mareen ama ay na dhex mari karaanba ma aha shaqo wax aanu isku nimaadno oo aanu raali ku kala nahay mooyane wali wax kale oo aanu isku nimid ma jirto “ ayuu hadalkiisi ku soo gabo gabgabeeyey Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba afhayeenka xisbiga Waddani

Maalmaha News/Hargeisa office
info@maalmahanews.com
Maalmahanewsnetwork@gmail.com

COMMENTS
Latest News