Maalmahanews.com
Cuddur ay Kaneecadu Gudbiso oo si Ba’an ugu faafaya waddamo dhaca koonfurta America + Muuqaal.
January 28, 2016 - Written by admin

London(Maalmaha News) Jan.28, 2016 – Wadamada Latin Amerika intooda badan ayuu bilihii lasoo dhaafay si weyn ugu faafay cudurka loo yaqaan Zika Virus oo ay kaneecada gudbiso, kaasi oo khatar ku ah haweenka xaamilada iyo ilmaha yar inta ay uurka ku jiraan. Cudurkan ayaa hadda si baaxadleh ugu faafay dalal fara badan oo kamid ah waddamada Koonfurta Amerika, waxaana laga cabsi qabaa in uu u gudbo dalka Maraykanka iyo waliba Qaaradaha kale sida Yurub, Aaasiya, Austrlaiya iyo Afrika.

Cudurkan ayaa sanadkii hore bishiisii shanaad ka dilaacay dalka Brazil, kadibna si dhakhso ah ugu faafay dalalka jaarka la ah.

Kaneecada loo yaqaan (Aedes aegypti mosquito) ayaa loo aanaynayaa inay faafiso cudurkan oo aan lahayn wax daawo ah ama talaal looga hortago, wuxuuna cudurkan xooggiisu khatar ku yahay ilmaha inta uu uurka ku jiro hadii uu ku dhaco hooyada.

Hoos ka daawo warbixin

 

 

COMMENTS
Latest News