Maalmahanews.com
Awoodii Isbahaysiga Dibad Wareega Kulmiye oo ku soo Ururtay la hadalka War-baahinta iyo Afhayeenkooda oo Beeniyey inay wax Wada hadal ah Xisbiga WADANI iyo Cid kale toona la Fureen.
January 28, 2016 - Written by admin

Hargeysa(Maalmaha News):- Siyaasiyiinta Dibad wareega ka ah xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa waxaa ay baryahan danbe caado ka dhigteen in ay warbaahinta Somaliland soo hor fadhiistaan oo ay ka hadlaan rajadooda siyaasadeed oo qaar ka mid ah shacbiga Somaliland aaminsan yahiin in ay hog madow ku dhacdey.

Xussen Axmed Caydiid waa wasiirkii hore ee wasaarada Cadaalada Somaliland waxaa uu isku magacaabay afhayeenka dumuq raadiyad doonka xisbiga kulmiye waxaana mar uu maanta warbaahinta la hadley uu ka hadley   rajada isbaheysiga kulmiye

Mr.Caydiid waxaa uu sheegay in aanu jirin meel ay isbaheysigu ku biireen ama ay xisbi ay wada hadal dhab ah la fureen waxaana uu yidhi “ hadaan soo gaabiyo ilaa sacaada aan joogo ma ogi wax kala qeyb sanan ah oo ku yimid isbaheysiga Kulmiye , mana jirto Ayaan leeyahay meel ay ku biireena “

“ horta ha la yaabina oo sheekadaasi waa ay iska socotaa rag badan oo siyaasiyin ah oo midoobey oo aan Is leeyahay waxaa loo hadal hayaa waa miisaanka ay leeyahiin oo ay umaduna ay naawileyso halka ay ku biirayaan la filaayo in ay tahay halka ay guushu uun raaceyso sidaa loo daba jooga in ay sidaas tahay beynu u fahmeynaa oo la yaabi meyno” ayuu yidhi

Sidoo kale isga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ku sii daray “ wax dhow ama uu go,aankeedii dhamaadey oo dhinacna ah oo maanta yaala , odhana karo maanta halkaas baa lagu biirayaa   taasna waxaan idiin sheegaya in aanay jirin , qolada kulmiye ee aanu ka mid nahay wey ogayahiin miisaanka ka go,ay xisbigii lana yaabi meyno in ay dad xod xodtaan sidoo kalna in ay xisbiyada mucaaridku sidaas sameyaan in lala yaabo ma ah oo miisanka meesha yaaala ayaa weyn , walina wada hadal rasmi ah iyo mid aan rasmi aheyn cid lala furay ma jiraan saacadan la joogo aniga oo ku hadalaya afka isbaheysiga la yaabna ma aha in aanu Waddani la hadlno” ayuu yidhi Xussen Axmed Caydiid

Maalmaha news/Hargeisa office

info@maalmahanews.com

maalmahanewsnetwork@gmail.com

COMMENTS
Latest News