Maalmahanews.com
War Deg Deg ah :Sheekh Maxamed Cabdi Carab Oo Ka Badbaaday Rasaas Lugu furay iyo Ciidanka Booliska Oo Arintaas ku daba jira
January 27, 2016 - Written by admin

Hargeysa(Maalmaha-News)-Sheekh maxamed cabdi carab oo ah culimada magaalada hargeisa ugu caansan ayaa ka badbaaday dil qorshaysan oo u muuqda mid lasoo agaasimay  kadib markii rasaastii lagu riday ey la waayeen dad hubaysan oo soo weeraray gurigiisa.

a

Arrinkan ayaan dareen gaara dhaliyay,iyada oo beryihii u dambeeyey ay magaalada hargeysa ku soo badanayeen dilalka qorshaysan ee loo gaysto ashkhaas gaar ah.

Ciidan muuqda iyo kuwa sirdoonka ayaa arinkan ku hawlan, laakiin  wali ciidanku kuma guuleysan iney soo qabtaan dadkii dooneyey iney khaarijiyaan sheekhan.

Dhanka kale warar hoose oo Maalmaha News uu helay ayaa xaqiijiyey in dhacadadan ay ka dambeysay faro ka hadal dagaal gaadhay oo dhex maray xaafada sheekha iyo dad kale oo ay jaar la ah sheekha

 

Maalmahannews/Hargeisa office

info@maalmahanews.com

maalmahanewsnetwork@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News