Maalmahanews.com
“Somaliland Waxa Ka Go’an Deegaanka Buuhoodle In Aanay Colaad Dambe Ka Dhicin”.. Wasiir Xaglo Toosiye
January 27, 2016 - Written by admin

Hargeysa(Maalmaha news):- Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka waxa uu ugu horayn tafaasiil ka bixiyay halka ay marayso hawshii nabadgelyo ee ugu muhiimsanayd socdaalkiisa shaqo, waxana uu yidhi sidan: ‘’Hawlihii nabadgelyo ee aan halkan u joogay meel wacan bay marayaan, dadkiina si wacan bay hawshaa uga shaqaynayaan haday tahay sidii nabadgalyada loo adkayn lahaa iyo hadii ay tahay sidii ay uga hortegi lahaayeen shaqsiyaadka Somaliya ka yimi ee doonaya inay halkan colaad ka huriyaan oo nabadgelyada deegaanka qasaan, markaa dadku aad bay uga shaqaynayaan arintaa, dhakhso inay natiijo u yeelatana waa rajaynaynaa’’

xaglo

wasiir xaglo toosiye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay natiijada waanwaantii nabadeed ee ku aaddanayd in ay hab nabadgelyo kaga baxaan magaalada Buuhoodle nabaddiidka Cali Khaliif iyo xubno la socda oo ka tirsan Baarlamaanka dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya oo iyagu muddooyinkii u dambeeyay xaalad colaadeed iyo farogelin qaawan oo cadaawadi ku dheehan tahay ka waday deegaano ka tirsan Gobolkaasi Buuhoodle. Waxana Wasiirka oo arintaa ka hadlaya uu yidhi: ‘’Odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka Buuhoodle aad iyo aad bay u dadaalayaan meel wacan bay u maraysaa, sidii ninkaa fidmowalaha ah (Cali Khaliif) loogu tirtirsiin lahaa inuu ka baxo Gobolkaa iyo guud ahaanba Somaliland dhakhso inay wax ka gaadhaan baan rajaynayaa.”

Sidoo kale, Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye waxa uu caddeeyey mowqifka Dawlada Somaliland ee ku aaddan nabadgelyada Buuhoodle, waxana hadaladiisii ka mid ahaa: “Somaliland waxa ka go’an in deegaanka Buuhoodle aan wax colaad ah oo dambe ka dhicin, Somaliland waxa ka go’an in cid doonaysa inay Deegaanadan dagaal ka huriso aan laga ogolaan, anaga iyo odayaashana wadashaqayn baa naga dhaxaysa, deegaankanina muddo ayuu colaad iyo mugdi ku jiray, markaa Somaliland waxay Go’aansatay in dhibaatadaasi aanay dib u soo cusboonaan, lagana ilaaliyo oo laga hortago shaqsiyaadka danaha gaarka ah leh ee taa doonaya”ayuu yidhi Xaglatoosiye waxaanu yidhi “Dadweynaha reer Buuhoodle waa bulsho colaado ka soo daalay, waxaan u soo jeedinayaa in aanay u ogolaan in shaqsi dan gaar ah wata aanu colaad iyo dhib u soo jiidin, waxa aan kula talinayaa inay nabad iyo horumar ku fekeraan oo hadafkooda ka dhigtaan, kulligoodna ka wada shaqaeeyaan inay nabadooda ilaashadaan’’

Dhanka kale, wasiirka caafimaadku waxa uu xusay dib u habayn lagu wado cisbitaalka guud ee Magaalada Buuhoodle oo muddo dheer aan shaqaynin “Cusbitaalka waxa aanu ka wadnaa dib u habayn, waxa aanu diyaarinaynaa wasaarad ahaan in cusbitaalka guud ee Buuhoodle dib loo furo oo dhakhaatiirtii iyo adeegyadii caafimaad loo dhammaystiro, waana ku gudo jirnaa hawshaa, insha allaah waxaan rajaynaynaa in wakhti yar oo gaaban cusbitaalkaa lagu shaqo geliyo, dadkuna ay ka maarmaan adeegyada caafimaad ee y safarada dhaadheer u gelayaan, Dhakhaatiirtii iyo qalabkiina waa diyaar, markaa cisbitaalkaa waxa aan rajaynayaa in uu dhowaan furmo.

Sida la ogyahay cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka JSL ayaa ku sugan gudaha Magaalada Buuhoodle, halka ay cutubyo kalena saldhigyo ka yagleesheen sadexda jiho ee Galbeedka, waqooyiga iyo bariga Buuhoodle, xilli jihada afraad oo ah ta koonfureed-na ay kaga beegan tahay xuduuda Itoobiya.

Maalmahannews/Hargeisa office

info@maalmahanews.com

maalmahanewsnetwork@gmail.com

COMMENTS
Latest News