Maalmahanews.com
Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti oo Xadhiga ka Jaray Warshad soo saaraysa Korontada oo ku shaqaynaysa Tamarta Cadceeda.
January 27, 2016 - Written by admin

Djibouti(Maalmaha News):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti mud. Ismaaciil Cumare Geele ayaa xadhiga ka jaray warshad soo saaraysa korontada oo ku shaqayneysa cadceeda.

Munaasad lagu daah furayay warshadan oo lagu qabtay dagmada ADAYLOU ee gobolka TODJOURAH ee ku kaala woqooyiga dalka Djibouti ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriayda Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geeleh, xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo wufuuf caalami ah.

Madaxweyne Geele oo ka hadlay munaasadan lagu daah furayay warshadan ayaa waxa uu sheegay inay warshadan ka mid tahay qorshayaasha ay xukuumadiisu dooneyso iney ka hir galiso dalka sidii ay dadku u heli lahaayeen tamar jaban oo ay wada awoodaan guud ahaan shacabka dalkaasi.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa xusay iney warshadani ka faa’iidaysan doonaan bulshooyinka ku dhaqan dagmooyinka ka durugsan magaalooyinka ee ayna soo gaadhin tamartu, waxaanu madaxweynu xusay iney ku heli doonaan qiimo jaban oo ay wada awoodaan dadku.

Warshadan soo saaraysa korontada kuna shaqayn doonta cadceeda ee ay manta ka hir galisay dawlada Djibouti deegaanka ADAYLOU ayaa noqoneysa mid ay ka faaiidan doonaan bulsho ku dhaqan gobolkaasi isla markaan ay ka heli doonaan tamar qiimaheedu jaban yahay.

Cali Riiraash

Maalmaha News/Djibouti Office
info@maalmahanews.com

Maalmahanewsnetwork@gmail.com

COMMENTS
Latest News