Maalmahanews.com
Halkuu Salka ku hayaa Xadhigga Wasiir CUKUSE kula Kacay Wariye ka tirsan Warbaahinta Dawladda
January 27, 2016 - Written by admin

Hargeisa(Maalmaha News):– Xasan Ismaaciil Ducaale (Xasan-Shaah) oo ka mid ah Wariyeyaasha Idaacadda Radio Hargeysa iyo Telefiishanka Qaranka Somaliland, ayaa Maalintii labaad ku xidhan Saldhigga dhexe ee Booliska Hargeysa.

Wariye Xasan-Shaah oo la xidhay isagoo ku sugan Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland ee Hargeysa, ayaa Boolisku xidheen iyaga oo aan haysan Waaran Maxkamadeed oo Sharciya, waxayna u dhaadhiciyeen Saldhigga dhexe ee Caasimadda Hargeysa.

Amarka lagu xidhay Suxufi Xasan-Shaah, ayaa waxa bixiyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), sida uu Wariyuhu u sheegay Suxufiyiin ku booqday Saldhigga dhexe ee kuu xidhan yahay.

Xasan-Shaah, ayaa sheegay in Wasiirku uu si Caddaalad daro ah u xidhay, ka dib, markii isaga iyo Xubno kale oo ka mid ah Hawl-wadeennada Idaacadda Radio Hargeysa iyo Telefiishanka Qaranku Xafiiskiisii ugu tageen isla-markaana u gudbiyeen Cabasho ay ka qabaan Mushaharka iyo Gunnooyinka oo ay doonayeen in loo kordhiyo. Hasa-ahaatee, Wasiir Cukuse ayaa Cabashada Wariyeyaasha uu Xasan-Shaah ka midka yahay ugu jawaabay Weedho masuuliyad daro iyo amar ah in Booliska ka hawl-gala Wasaaradda Warfaafintu Amarkiisa ku xidhaan isla-markaana u gudbiyaan Saldhigga dhexe ee Hargeysa.

Wariyeha oo sii hadlaya, ayaa Xadhiggiisa ku xidhiidhiyey inuu ka taxan yahay khilaafkii labada Garab u qaybiyey KULMIYE oo uu isagu taageersanaa Garabka Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirkuna ka soo horjeeday, wakhtigaas oo ay arrintaa isku seegeen Wasiir Cukuse, sidaa daraadeedna uu wakhtigan inuu xidho uga faa’ideystay ka hadalka Danaha Wariyeyaasha Idaacadda iyo Telefiishanka Qaranka oo Xasan ku hawlanaa.

Tallaabada uu Wasiir Cukuse ku xidhay Wariye Xasan-Shaah, ayaa noqonaysa Sharci daro lagu fuliyey Awood Maamul.

.

 Maalmahannews/Hargeisa office

info@maalmahanews.com

maalmahanewsnetwork@gmail.com

 

 

COMMENTS
Latest News