Maalmahanews.com
Ciidamada Kenya oo dilay Guddoomiyihii Deegaanka Ceelcade, iyo Xasan Culusaw oo Nairobi u jooga Baroor diiqda Askartii Kenya
January 27, 2016 - Written by admin

Gedo (Maalmaha News):- Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya dileen Gudoomiyihii deeggaanka Ceelcade Cabdirashiid Cali Cabdi Qoorleex. Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay hore u xidheen guddoomiyaha iyagoo ku eedaynayay inuu gacan siiyey ciidamadii Al-shabaab ee todobaadkii hore weeraray saldhiga ay ciidamada Kenya ku lahaayeen Ceelcade.

Aadan Rufle oo sheegay inuu ka mid yahay saraakiisha ciidanka dawlada somalia ee gobolka Gedo ayaa u xaqiijiyey warbaahinta dalka in galinkii dambe ee shalay ay ciidamada Kenya khaarajiyeen gudoomiyihii degamada ceelcade.

Madaxweyhaha Kenya ayaa hore u eedeeyey mid ka mid ah beelaha daga goboblka Gedo ay fududaysay weeraradii ka dhacay ceelcade, waxayna guddi baaritaan oo ay xil saartay iney arrinta baadhitaan ku samaysay ay sheegeen in saddex askari oo ka mid ahaa ciidamada kenya ay magan galyo waydiisteen mid ka mid tuulooyinka ku dhaw ceelcade.

Ciidamada Kenya ayaa weearar duqayn ah aan loo meel dayn ku qaaday  deegaano ka tirsan gobolka Gedo iyadoo duqayntaana ay waxyeelo ka soo gaadhay shacabka somaliyeed iyo xoolo ay lahaayeen. Mana jirto wax hadal ah ay dawladu ka soo saartay duqaymahan ay dawalada kenya wado, inkastoo ay baarlamaanku somalia uu ka codsaday Raysal wasaare sharmaake inuu Baarlamaanka hor yimaado si ay suaalo uga weydiiyaan arrant.

Dilka gudoomiyaha deegaanka ceelcade ayaa ku soo beegmaya xili wuu madaxweyn aha somalia Nairobi kaga qayb galayo munaasabad baroor diiq ah oo loo samaynayo cidamadii keyna ee lagu laayay ceelcade.

Maalmahannews/Hargeisa office

info@maalmahanews.com

maalmahanewsnetwork@gmail.com

COMMENTS
Latest News