Maalmahanews.com
FAALO: GOCASHADA XASUUSTA MAALIMIHII DHAB LIBAAX IYO BILOWGA CAHDIGII BALANTA
January 26, 2016 - Written by admin

Fursadaha uu WADANI ku guulaysan karaa waa uun  riyo nacas riyooday

Hargeisa( Maalmaha News): Dhigaalka Sooyaalka taariikheed iyo dhugashada dhacdooyinka siyaasadeed ee markaas taagan oo la isku geeyaa waxay joon-gooyaan hilaadinta mustaqbalka siyaasadu siday u ekaan karto iyo madaxda hogaaminta mustaqbalka siyaasadeed ciday noqon doonto.

hadaynu dib u eegno Loolankii ugu danbeeyey ee Madaxweyne loogu doortay Axmed Siilaanyo  waxay jiray saddex xisbi qaran oo kala ahaa:- Udub oo markaasi xisbul xaakimka ahaa iyo laba xisb Mucaarad oo Kulmiye iyo UCID kala ahaa.

Kulmiye waxa hogaaminayay Siilaanyo oo ka soo jeeday beesha Habarjeclo, Ucid waxa hogaaminayay Faysal Cali Waraabe oo ka soo jeeday beesha garxejis (Ciidagale), Udub-na waxa mayalka u hayay Daahir Riyaale oo ka soo jeeday Beesha Samaroon.

Sababta ugu weyn ee uu ku guulaystay xisbiga Kulmiye waxa la yidhaa waxay ahayd qodobo ka mida ah heshiisyadii  laga soo gaadhay shirkii gar-adag oo ahaa in beesha Habarjeclo go’aan ku gaadhay iney is-gaashaan buuraysi la samayso beelaha aan xiligaasi xisbiyada madax ka ahayn beelahaasi oo ay markaa ugu awood badnaayeen beelaha Sacad muuse iyo beelaha Arab iyo sidoo kale beelaha darafyada sida beelaha Harti, taasoo ay kaga guulaysteen labadii xisbi ee la tartamayay, waana sababta suuragalin doonta cida guulaysaneysa  saddex xisbi ee tartamaya.

Dhaninaca kale waxa jira xifiltan siyaasadeed oo ka dhexeeya labada beelood ee Burco wada daga ee Habarjeclo iyo Habar Yoonis taasoo mar kasta laga dheehan karo silsilada siyaasada, WADANI waxay uu ka mid yahay xisbiyada dhawaan ku soo biiray saaxada xisbiyada waxaana hogaaminaya siyaasi c/Raxmaan cirro oo ka soo jeeda beesha Habar-yoonis iyadoo siyaasiyiinta beesha Habaryoonis kuwoodii ugu miisaanka cuslaana ay ku biyo shubteen kuna biireen xisbiga wadani tani waxay u muuqataa iney  beesha habar-yoonis haatan uun heshay saldhiga siyaasadeed oo ay in badan raadcaynayeen.

Xisbiga wadani waxa uu badalay oo meesha ka saaray xisbigii UDUB oo ay taageerada ugu badan siin jireen beesha habar-yoonis kuna tiraabi jireen eraygii caan baxay ee DHAB LIBAAX ayuu ku hurdaa Riyaale markii uu xilka hayay, dhab libaax buu Riyaale ku hurdaa iyo erayo kale oo badan waxay ahaayeen jilaafooyinkii laf dhuun gashay wakhtiyada qaar ku ahaa Axmed Siilaanyo oo in badan mucaarad u ahaa sidii kursiga dalka ugu sareeye mar uun u fuuli ahaa.

Haatan xisbiga wadani oo ay ku urursan yihiin haldoorkii beesha habaryoonis wuxuu u quudaraynayaa inuu ku guulaysto madaxnimada Somaliland isagoo raba inuu badalo xisbiga Kulmiye oo saamaynta ugu weyn ay ku leeyihiin beesha Habarjeclo oo hore u soo dhaafisay madaxtooyada beeshan habaryoonis iyo samaroon oo dhabtooda ku fadhiday soona dhigtay dibada.

Xisbiga Kulmiye oo ah xisbul xaakimka haatan talada haya oo ah xisbi lagu tiriyo inuu yahay xisbiga ugu taageerada badan wakhti xaadirkan la joogo, waa xisbi soo maray wakhti adag oo ay dhexdiisa ka dhaceen shaqaaqooyinka mararka qaar halis galiyey ama ruxay amiga guud ee wadanka ka dib markii sida laga war qabo wuu xisbigu isku maan dhaafay cida u matali doonto doorashada soo socota, inakstoo xisbi galay xalad lagu kala dareeri gaadhay hadana wuxuu wax walba ku maareeyey wada hadal iyo isku tanaasul dadka qaar ay aamisan yihiin iney ka heleen waayo aragnimo dheeraad ah wakhti badan oo ay haldoor xisbigu is qabteen.

Wax kastoo dhexdooda ka dhacay aakhirkii xisbigu kulmiye waxay musharax u doorteen nin ka soo jeeda beesha Sacad Muuuse. Haa sidani waa sidii ay saadaalinayeen dadka siyaasada orodorasaa, beesha Habarjeclo oo ah beesha lahayd aasaaska xisbiga kulmiye waxay sameeyeen maskax furnaan cusub oo ah iney kulmiye ka soo saareen isla markaana ku garab istaageen xubin ka soo jeeda beesha Sacad Muuse.

Xisbiga UCID waxa hadheeyey khilaaf aad moodo inuu kaba sii saarayo saaxada tartanka, hadii aanu dib u habayn rasmina la imana waxa dhici karta inuu sidaa kaga siibto salaanka sidaa darteed qalinku wuxuu ka dhursagayaa wuxuu Maalmaha soo socda ucid la shir yimaado.

Si cad oo aan gabasho lahayn waxa loo odhan lahaa tartanka madaxnimo ee Somaliland ee la filayo inuu Somaliland ka qabsoomo sanadka 2017 wuxuu dhex marayaa Beelaha Sacad Muuse(Habar-Awal) iyo beelaha Habaryoonis (Garxejis), hadaba inta aanan badweyntaa dhex galin waxaan jecelahay in aan idiin xasuusiyo taariikh ahaan………………..

La soco qaybta danbe

Maalmahannews/Hargeisa office

info@maalmahanews.com

maalmahanewsnetwork@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News