Maalmahanews.com
”Ninka somaliya u dhashay waa inuu Sharci ku joogaa Somaliland, Taas Mooyaane Dhibaato kale oo loo gaysanayaa ma jirto” Wasiir Warancade
January 25, 2016 - Written by admin

Hargeisa(Maalmaha-news): Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland mudane Cali Maxamed Warancade ayaa ka hadlay arrin maalmahanba hadalhaynteedu ku badneyd bulshada Somaliland dhexdeeda oo ahayd in dadka Ajaanibka ah ee aan u dhalan Somaliland ee la saarayo ay ku jiraan dadka qaxoontiga ah ee u dhashay dalka Somaliya.

Wasiirka oo u waramayay idaacada BBC-da laanteeda afka somaliga ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ‘’Horta somalia dee waanu kala go’ney laba dawladood oo saaxiib ah baanu noqoney, ninka somaliya u dhashay waa inuu Sharci ku joogaa Somaliland, taas mooyaane dhibaato kale oo loo gaysanayaa ma jirto, todoba cisho oo loo qabtayna ma jirtee mudo bil ah baa loo qabtay iney isku diwaangaliyaan gobol kastana waxaanu ka furney xafiis diiwaangaliya, waxaana la siin doonaa sharci ay ku daganaadaan sida qofka Somalilander ah uu u leeyahay sharci iyo dhalasho ayaa isaguna wuu yeelanayaa sharci uu ku joogo.

Maalmahannews/Hargeisa office

info@maalmahanews.com

maalmahanewsnetwork@gmail.com

COMMENTS
Latest News