Maalmahanews.com
‘’Aniga Golihii dhexe ee UCID baa I doortay sidaas ayaanan ku ahay Musharax xisbiga, Somaliduna Waxay ku Maah-maahdaa Maroodi Waabasho kuma leexdo,
January 25, 2016 - Written by admin

 

Hargeisa(Maalmaha-news):Musharax xisbiga mucaaradka ah ee UCID Mudane Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in khilaafka xisbiga ucid ka dhex jira laga hagayo dibada, inkastoo Musharaxu aanu si cad u sheegin cida uu ku tuhusan yahay iney khilaafkaasi wado.

Jamaal Cali Xuseen oo ku sugan magaalada Boston eee Carriga Maraykanka ayaa waxa kale oo uu ka hadlay sixir bararka naafeeyey ilaha dhaqaalaha Somaliland waxaanu tilmaamay in aanay gudiyo la magacaabaa waxba ka qabanayn xaalada sixir bararka.

Jamaal oo ka hadlayay arrinta khilaafka xisbigooda UCID waxa uu yidhi ‘’Aniga Golihii dhexe ee UCID baa I doortay sidaas ayaanan ku ahay Musharax xisbiga, faysalna waa gudoomiyaha, Somalidu waxay ku maah maahdaa Maroodi waabasho kuma leexdo, khilaafka UCIDna waa mid dibada nooga yimid, waxaanse kuu sheegayaa in khilaaf dhexdayada ka jiraa aanu jirin.

 

Maalmahannews/Hargeisa office

info@maalmahanews.com

maalmahanewsnetwork@gmail.com

COMMENTS
Latest News