Maalmahanews.com
Mus-danbeedka xisbiga WADANI oo miisaaniyadii ay diiwaangalinta u qoondeeyeen gabi ahaanba ka qadiyey deegaanada Bariga Burco iyo Nuxurka socdaalka Canjilaada ah ee Gudoomiye Cirro
January 24, 2016 - Written by admin

Burco( Maalmaha News): Mus-danbeedka xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa go’aan ku gaadhay in guud ahaanba la joojiyo lacag miisaaniyad ah oo xisbigoodu ugu talo galay diiwaangalinta codbixiyayaasha ee deegaanada Bariga Burco, marka laga reebo lacag gaadhay $30,000 (Soddon kun) oo dollar oo xisbiga WADANI ugu tallo galay mushaharka muraaqibiinta xisbiga iyo xubno kormeer joogto ah ku samayn doona goobaha diiwaangalinta ee bariga Tog-dheer.

Gudoomiyaha xisbiga Wadani ayaa hore u magacaabay 53 xubnood, kuwaas oo loogu talogalay iney ka shaqeeyaan arrimaha diiwaangalinta codbixinta balse xubnaha guddigaasi kaga jiray deegaanada Qoryaale, Shancade, Beer, Ballidhiig,Dhoqoshay, Nasiye iyo Coodanle ayaa ka biyo diiday ka mid noqoshada waftiga xisbiga Wadani ee booqashada ku maraya goobaha diiwaangalinta ka socoto ee gobolka Tog-dheer, islamarkaana uu halkaasi hore ugu sugnaa guddoomiyaha guddiga diiwaangalinta codbixiyayaasha ahna Guddoomiye xigeenka xisbiga wadani Axmed Muumin Seed.

ila wareedyo Maalmaha News ay ka heshay xisbiga WADANI ayaa sheegay in xubno xisbiga Mus-danbeed u ah xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ay qorsheeyaan in lacag dhan $270,000 (Laba boqon iyo toddobaatan kun) oo dollar oo markii hore loogu talogalay deegaanada Barriga Tog-dheeer haatan loo leexiyey deegaanada Galbeedka Tog-dheer isla markaana inta diiwaangalintu socoto kharashkaasi loo isticmaalo in dad lagaga soo guro deegaanada gaashaamo iyo dhinaca xuduudka Ethipioa.

Talaabadani xisbiga WADANI ku dhaqaaqay  muujineysa cadaawada uu durba xisbiga WADANI u qaaday shacabka ku dhaqanka deegaanada Barriga Burco, kuwaasi oo maalmihii u danbeeyey Gudoomiye Cirro codkooda waydiisanayay mar la gaadhi codbixinta, balse hadana talaabooyinka Mus-danbeedka xisbiga WADANI iyo ficilka Gudoomiye Cirro ayaa noqonaya qaar iska hor imanaya.

Maalmaha News/Desk
Burco-Somaliland

 

COMMENTS
Latest News