Maalmahanews.com
Lionel Messi Iyo Munir El Haddadi Mohamed Oo Barcelona Ku Hogaamiyay Guul Dahabi Ah Iyo Barcelona Oo Dib Ugu Soo Laabtay Hogaanka La Ligaha Iyada Oo Waliba Kulan U Hadhsan yahay
January 24, 2016 - Written by admin

(Maalmaha Sports News)Barcelona ayaa sii wadata guulaheeda waxayna guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda dhibta badan ee Malaga oo ay marti ugu ahayd garoonkeeda, waxaana Barca guushan qaaliga ah ku hogaamiyay Lionel Messi Iyo Munir El Haddadi Mohamed, waxayna saddexda dhibcood ku soo heshay 2:1. Barcelona ayaa dib ugu soo laabtay hogaanka La Ligaha.

Kadib markii ay Barcelona muddo kooban shan kulan la soo ciyaartay kooxaha Espanyol iyo Athletic Bilbao oo La Ligaha iyo Copa Del Rey iskugu jiray, wiilasha Luis Enrique ayaa marti ku ahaa garoonka Malaga ee La Rosaleda kaas oo bariyihii ugu danbeeyay dhibaato ku ah Barcelona. Kulamada Malaga iyo Barcelona ayaa noqday kulamo xiiso badan isla markaana xamaasadoodu sarayso.

Barcelona oo wali gacanta ku haysta hal kulan ayaa maanka ku haysay in haddii ay kulankan guulaysto ay dib ugu soo laaban karto hogaanka La Ligaha, laakiin Luis Enrique ayaa ka warqabay halsita ay leedahay kooxda ay martida u ahaayeen ee Malaga.Lionel Messi ayaa shaxda Barca dib ugu soo laabtay kadib markii uu ka soo kabsaday xanuun muruqa ka soo gaadhay kulankii La Ligaha ee Bilabo, wuxuuna weerarka kala ciyaari doonaa Suarez iyo Munir.

Br

Shaxihii labada kooxood ee kulankan:-

Barcelona (4-3-3): Bravo; Vidal, Mascherano, Vermaelen, Adriano; Turan, Busquets, Iniesta; Messi, Suarez, Munir.

Kaydka:Ter Stegen, Rakitic, Alves, Bartra, Ramirez, Roberto, Mathieu.

Malaga (4-4-2): Kameni; Rosales, Angeleri, Weligton, Torres; Juanpi, Recio, Camacho, Castro; Charles, Cop.

Kaydka: Duda, Albentosa, Horta, Tissone, Ochoa, Santa Cruz, Fornals

Markasta kulan dhex maraya Malaga iyo Barcelona waxaad ka filan kartaa kulan xiiso badan oo ay labada kooxood ku soo badhigaan ciyaar adag, kulankanina kamuu duwanayn waxayna labada kooxood soo bandhigeen kulan xamaasad badan isla markaana aad iyo aad u adag.

Barcelona ayaa ciyaarta markiiba dardar fiican ku bilaabatay taas oo keentay in ay hogaanka la wareegto isla daqiiqadii 2 aad ee bilawgii ciyaarta, waxaana Barcelona goolka furitaanka udhaliyay  Munir El Haddadi Mohamed kaas oo kubbad hadiyad ah ka helay Luis Suarez oo soo garaacay difaacyada iyo goolhayaha Malaga, wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad goolka oo madhan hor maraysay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Barca xili horeba hogaanka ciyaarta kula wareegtay.Messi and Munir

Laakiin Malaga ayaa bilawday in ay weeraro joogto ah oo halis badan ay ku soo qaado goolka Barcelona, kooxda martida ahyd ee Barca ayaa loo diiday in ay wax fursado kale ah abuurto iyada oo Malaga ay markan noqotay kooxda goolka laga filan karo.

Daqiiqadii 14 aad ayay Malaga u muuqatay in ay heshay goolkeeda barbaraha iyada oo Castro uu kubbad gantaal ah ku tuuray goolka Barcelona isaga oo waliba kubbada ka soo darbeeyay meel ka baxsanayd xerada ganaaxa Barca laakiin goolhaye Claudio Bravo ayaa kubbada isku kala bixiyay balse kubbada uu iska badbaadiyay ayaa birta goolka ku sii dhacday.

Daqiiqadii 24 aad ciyaartoyda Malaga ayaa ku dooday kadib markii uu Charles uu cadaadis ka dareemay Mascherano laakiin garsooraha ayaa u sheegay in ayna ahayn rekoodhe laakiin dadaal dheer kadib Malaga ayaa goolkeeda barbaraha heshay daqiiqadii 32 aad kadib markii uu Juan Pablo Añor Acosta uu Barcelona ku ciqaabay qalad ay sameeyeen Busquets iyo Mascherano, wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah, waxaana goolkan caawintiisa lahaa Charles Días Barbosa.malaga

Daqiiqadii 24 aad Barcelona ayaa iyaduna u muuqatay in ay heshay goolkeeda labaad kadib markii uu Munir iska farsameeyay ciyaartoygii ilaalinayay isla amrkaana uu kubbad darbo fiican ah ku bartilmaameedsaday goolka Malaga laakiin goolhaye Kameni ayaa kubbada iska badbaadiyay laakiin kubbada ayaa ka soo waxaana markiiba goolka ku celiyay Messi balse difaca ayaa dirqi iskaga saaray halista. Qaybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 1:1 ah.

Barcaa

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Barcelona bilawday in ay weeraro dilaa ah ku bilawdo goolka Malaga. Tababare Luis Enrique ayaa sidoo kale go’aansaday in uu waqtiga nasashada badalo Thomas Vermaelen oo ciyaarta ku dhibtoonayay waxaana ciyaarta soo galay Jérémy Mathieu.

Kadib fursad abuuris fiican Barcelona ayaa daqiiqadii 51 aad heshay goolka ay markale hogaanka kula wareegtay waxaana markan gool cajiib ah Barca u saxiixay  Lionel Andrés Messi kaas oo kubbad laba lugoodley ah si qurux badan ugu darbeeyay goolka Malaga isaga oo kubbad fiican ka helay Adriano Correia, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Barcelona ku soo ceshatay hogaanka ciyaarta.

MessiiMessi2

Malaga ayaa markale bilawday in ay raadiso goolka barbaraha waxayna daqiiqadii 55 aad ay heshay fursad cajiib ah iyada oo Castro uu darbo xoogan ku tuuray goolka Barcelona laakiin BRAVO! ayaa sameeyay badbaadin layaableh wuxuuna kooxdiisa ka badbaadiyay gool cadaan ahaa.

Daqiiqadii 73 aad ayaa ciyaarta dhaawac looga saaray caawiyhii goolka Messi ee Adriano Correia Claro kaas oo awoodi waayay in uu ciyaarta sii wadan karo waxaana booskiisa lagu soo badalay da’yarka boosaska badan ka ciyaara ee Sergi Roberto Carnicer.

Barcelona
Daqiiqadii 87 aad Lionel Messi ayaa u muuqatay in uu helay goolkiisa labaad iyo waliba goolka saddexaad ee Barcelona kdib markii uu darbo xoogan ku tuury goolka Malaga laakiin waxaa badbaadin layaableh sameeyay oo goolkan Messi ka beeniyay goolhaye Kameni. Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamatay 2:1 ay Barca ku soo gaadhay guul aad xili ciyaareedkeeda muhiim ugu ah, waxayna kooxda Enrique dib ugu soo laabatay hogaanka La Ligaha iyada oo waliba kulan gacanta ku haysta ka hor kulanka Atheltico Madrid iyo Sevilla.

 

COMMENTS
Latest News