Maalmahanews.com
Kooxda Southampton Oo Markale Old Trafford Ku Garaacday Manchester United,Charlie Austin Oo Kulankiisii Ugu Horeeyay Guul Ku Hogaamiyay Saints Iyo Red Devils Oo Markale Old Trafford Ku Soo Bandhigtay Ciyaar Lagu Caajisay
January 24, 2016 - Written by admin

(Maalmaha Sports News):Kooxda Southampton ayaa markale Old Traffrod ku ugaadhsatay Manchester United kulan kale oo ay Red Devils soo badhigtay qaab ciyaareed ay jamaahiirta kooxdeedku ku caajiseen.Saints ayaa guushan dahabiga ah ku gaadhay 1:0 waxaana goolka kaliya ee ay guushan ku gadhay dhamaadkii ciyaarta u saxiixa xidiga ay maalinta dhawayd heerka labaad kala soo wareegtay ee Charlie Austin kaas oo kulankiisii ugu horeeyay guuldaro gadhka u galiyay Man United.

Manchester United ayaa Old Traffrod ku soo dhawaynaysa kooxda  Southampton, waxayna Red Devils kulankan ciyaaraysaa iyada oo wali la faraxsan guushii ay todobaadkii hore ka soo gaadhay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Liverpool, laakiin kooxda Van Gaal oo aan xili ciyaareedkan qaab ciyaareed fiican ku soo badhigin Old Traffrod ayaa la ciyaaraysa kooxda  Southampton oo xili ciyaareedkan hore ku garaacday Old Traffrod.

Manchester United ayayna wax guuldaro ahi soo gaadhin sanadkan cusub ee 2016 waxayna doonaysaa in ay markale sii wadato horumarka ay samaysay sanadkan cusub laakiin sidoo kale kooxda  Southampton ayaa doonaysa in ay kaalmaha sare soo gasho isla markaana ay markale guul ku gaadho Old Traffrod.

Shaxaha labada kooxood ee kulankan:

Manchester United:De Gea, Darmian, Smalling, Blind, B-Jackson, Schneiderlin, Fellaini, Lingard, Herrera, Martial, Rooney.

Kaydka:Romero, McNair, Varela, Pereira, Januzaj, Mata, Memphis

Waa kulan kale iyo Old Traffrod oo lagu caajisay, Manchester United ayaa sii wadatay caadadii ugu xumayd ee xili ciyaareedkan, waxayna markale Red Devils qaab ciyaareed lagu caajisay ku soo badhigtay Old Traffrod iyada oo waliba kulankii 11 aad oo xidhiidh awoodi wayday in ay qaybta hore wax gool ah ku dhaliso Old Traffrod.Man United ayaa xili ciyaareekdan horyaalka Ingiriiska qaybta hore ku dhibtoonaysa Old Traffrod.Van Gaal

Waxaa intaa dheer in Man United ay saddex gool oo kaliya ku dhalisay Old Trafford 11 kii kulan ee ugu danbeeyay oo ay garoonkeeda Old Traffrod ay ku ciyaartay.Haa waa mid lagu caajisay waxaana malaha caajiska Old Trafford dareemay dooli/jiir garoonka soo galay oo uu muuqday in uu hurdo seexday.mouseSouthampton ayaa iyadu ku faraxsanayd in ay kubbad fursado fiican abuurtay isla markaana ay qaybta hore Man United ku qasabtay in ciyaartu ay ahaato babaro gool la’aan ah, balse jamaahiirta Red Devils ayaan markale daawan kulan ay ku raaxaysan karaan oo Old Traffrod ka dhacaya. Ciyaar ahaan Man United umay liidan oo kubbad way isku dhiibi kartay laakiin wax xamaasad ah iyo fursad abuuris goolal lagu dhalin karo ayaa ka maqnaa, waxayna qaybta hore ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah.Rooney

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu Van Gaal fiiriyay kursiga kaydka kooxdiisa wuxuuna uga yeedhay Juan Manuel Mata, wuxuuna ciyaarta badal looga saaray Marouane Fellaini-Bakkioui.Manchester United ayaana bilawday in ay boodhka iska tunto oo ay horumar ka samayso dhinaca weerarka oo ay qaybtii hore ka liidatay.Markale Van Gaal laftiisa ayaa u muuqtay in uu ku caajisay kulankan.3

Laakiin daqiiqadii 60 aad ayay Man United soo gaadhay dhibaato dhaawac waxaana ciyaarta sii wadan kari waayay difaaca Matteo Darmian waxaana booskiisa lagu soo badalay da’yarka Patrick McNair. Laakiin ciyaarta ayaa ilaa dhamaadkii bilaa goolal ahayd, waxaana daqiiqadii 79 aaad ciyaarta badal ku soo galay saxiixa cusub ee Southampton ay kala soo wareegtay QPR ee Charlie Austin kaas oo kulankiisii ugu horeeyay lagu soo badalay Sadio Mané.Austin

Waxaa lays waydiinayay in uu awoodi doono in uu kulankiisa ugu horeeya taariikh ku dhigi doono Old Traffrod oo uu shabaqa ka soo taaban karo Man United, taasina waxay noqotay su’aal uu si fiican uga jawaabay Charlie Austin kaas oo daqiiqadii 87 aad wadnaha gooyay jamaahiirta uu caajisku dilay ee Man United, wuxuuna dhaliyay goolka waqtiga badan Old Traffrod laga sugayay, waxayna ciyaartu noqtay 1:0 ay Southampton hogaanka kula wareegtay waqtiga dhimashada.
Austin1

Kubbad uu caawinteeda lahaa James Ward-Prowse ayuu Charlie Austin madaxa ugu darbeeyay goolka uu ilaashanayay David De Gea wuxuuna sidaa ku samaystay taarkh kulankiisii ugu horeeyay ee uu Southampton u saftay.Austin22

Manchester United ayaa dhamaadkii ciyaarta isku dayday in ay ugu yaraan la timaado goolka barbaraha laakiin waqtigii ay shaqaysan lahayd ayay hore usoo dayacday, waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 1:0 ay Southampton markale saddexda dhibcood kaga tirsatay Man United .Man United

COMMENTS
Latest News