Maalmahanews.com
Dad ku dhintay Baraf dabaylo wata oo da’ay Maraykanka
January 24, 2016 - Written by admin

 

 

(Maalmaha news-)Sunday, January 24, 2016 11:43:34
Jidadka gawaarida, qadadka tareenada iyo gaadiidka hawada ayaa dhammaan waxaa curyaamiyay barafka, gobollada qaarna boqollaal kun oo qof ayaa koronto  la’aan ah

In kabadan 85 milyan oo qof oo ku nool Mareykanka waxaa saameeyay baraf da’aya oo dabeylo ay wehliyaan oo ka socda gobollo badan.

Meelaha uu barafkan sida weyn u saameeyay waxaa ka mid ah Washington iyo New York.

Jidadka gawaarida, qadadka tareenada iyo gaadiidka hawada ayaa dhammaan waxaa curyaamiyay barafka, gobollada qaarna boqollaal kun oo qof ayaa koronto la’aan ah.

Waxaana arrintani saameyn weyn ku yeelatay gaadiidka bad, berri iyo cirba, iyadoo in kabadan 200 oo kun oo qof ay yihiin koronto la’aan.

Ilaa haatanna 13 qof ayaa la xaqiijiyay in ay u dhinteen sababo la xiriira barafkani.

Source BBC

COMMENTS
Latest News