Maalmahanews.com
Xukuumadda Oo Ka Hadashay Hawl-gal ay Ciidammada Bilaysku Ku Soo Furteen Baabuur Xamuul Ah Oo Shufto Hubaysani Ka Afduubtay Bariga Hargeysa
January 23, 2016 - Written by admin

Waa Maxay Sababta Afduubku Salka Ku Hayo, Halkee’se Laga Lahaa Baabuurkan?

Afduubkii Dhubato Illaa Go’da+Qaabkii Dableydu U Kaxaysatay Baabuurka+Hawl-galkii Ku Lammaanaa Ee Bulaysku Ku Soo Furteen= Guushii Ciidanka Iyo Gacan-ku-dhigistii Baabuurka

Hargeysa (Maalmaha)-Ciidamada booliska Somaliland, ayaa gacanta kusoo dhigay gaadhi nooca xamuulka qaada ah oo budhcad hubaysani gelinkii dambe ee arbacadii shalay ka afduubteen deegaanka dhubato ee  bariga magaalada Hargeysa. Kooxdan budhcadda ah ee gaadhigaas afbuubatay, ayaa gebi ahaanba dadkii saarnaa oo uu ku jiro dirawalkii waday ka dejisay baabuurkaas, waxana ay la tageen tuulada Go’da ee gobolka saaxil oo ah goobta laga soo qabtay baabuurkaas iyo budhcaddii afduubatayba.  Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Md Cabdilaahi Fadal Iimaan oo arrintan ka hadlay, ayaa xaqiijiyey inay cutub katirsan ciidanka booliska u direen budhcaddii afduubka geysatay ku guulaysteen soo qabashada 7-ka mid ah budhcaddaas iyo saddex baabuur oo uu ku jiro gaadhigii la afbuubtay.  Baabuurka la afduubtay, ayaa laga lahaa deegaanka Bariga gobolka Sanaag, waxana sababta afduubkiisa lagu sheegay inay salka ku haysay aanooyin hore iyadoo kooxda afduubka geysatay ku andacoonayso in deegaanka baabuurkaas laga leeyahay uu kaga maqan yahay gaadhi iyaga hore looga afduubtay.

COMMENTS
Latest News